Cabdillaahi Yuusuf Oo Ka Hadlay Qorshihii Ay Itoobiya Ku Gashay Somaliya Iyo Mawqifkii Uu Markii Dambe Qaatay

0
784

 

C yuusufHargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee dawladda Somaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay doorkii uu ku lahaa qorshihii ay ciidamada Itoobiya ku galeen dalka Somaliya sannadkii 2006.

Cabdillaahi Yuusuf oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee VOA, wuxuu sheegay inuu ku jiray raggii gelitaankii Itoobiya ee Somaliya ka taliyay, “Itoobiya ciidankeedu inuu soo galo anigu markaas raali ayaan ka ahaa ciddii u yeedhayna waan ku jiray ninkii dafira wuxuu sameeyay nin maaha.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf, waxaanu intaas raaciyay, “Macnuhu maaha inaanu rabnay itoobiya inay na xukunto ee waxaanu rabnay inay gacan an siiso oo wadanka nala xasiliso oo markay nala xasilisana iska baxdo dabadeedna Somali oo hubka laga dhigay oo nabad ah in la yidhaahdo  dawladiinii waa idiin dhisantahay dhulkii waa idiin nabad. Llaakiin hadday noqoto waan idiin talinaynaa dee inaan diido saw waajib maaha daba dhilif ma noqon karo waa runtay.”

C/laahi Yuusuf wuxuu wasiirrada cusub ku tilmaamay dhalinyaro aqoon leh, balse wuxuu xusay in laga rajaynayo muddada sannadka ah ee ay haystaan waxqabad badan oo uu ku jiro dhameystirka dastuurka Somalia.

C/laahi Yuusuf, mar uu ka hadlayay heshiiskii Kampala wuxuu  sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid ay wateen dalal shisheeyo oo lagu qasbay dowladda KMG, isagoo sheegay in dowladda KMG aanay  xor ahayn oo loo taliyo.