Maxamuud Xaashi Iyo Maxamed Kaahin Oo Wada Jir U Beeniyay Inuu Tartan Ka Dhexeeyo

0
621

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dafiray inuu jiro loolan ka dhexeeya guddoomiye-xigeenka KULMIYE oo ku saabsan hanashada guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi dabadii. Sidoo kale Maxamed Kaahin ayaa isna sheegay inay yihiin masuliyiin ay wada shaqayni ka dhaxayso.

Wasiir Xaashi, oo hadal ka jeediyay madal shalay ay qabteen haweenka xisbiga KULMIYE, ayaa wuxuu wararkas tartanka KULMIYE ka dhex jira ku tilmaamay kuwo ay faafinayaan dad doonaya inay KULMIYE dhex geliyeen cudur. “Waxaanu cadaynaynaa maanta KULMIYE hal loolan ayuu ku jiraa oo loolan labaad kuma jiro oo ah sidii u heli lahaa talada dalka mar labaad, waxaanan dhammaanteen dhisaynaa Muuse Biixi iyo Saylici.” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo intaas raaciyay “Aniga iyo Maxamed Kaahin, waxaanu nahay laba nin oo saaxiiba, isna waa guddoomiye xigeen ana wasiirkii madaxtooyada, waxaanan fadhinaa kaalinta la yidhaahdo biyo culusta. Waxaanu nahay kuwa Muuse hadduu dhismo taariikhdoodu saamayn wayn ku leedahay, haddii Alle naguma keenee ay wadaantu nagu soo dhacdana taariikhdu xusi doonto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Rag wadaan wada jiidayaa, haddii aanay jiibta iyo jaanta isla helin ma guulaystaan. Aniga iyo Maxamed waxaanu nahay raggaas wadaanta wada jiidaya, guddoomiyaha KULMIYEna maanta tartan kama jiro oo waa Muuse Biixi, waxaana dacaayadaas wada dad doonaya inay KULMIYE cudur dhex geliyaan, reer KULMIYE waxaan leeyahay iska ilaaliya dacaayadas.”

Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-xigeenka KULMIYE oo isna halkaas ka hadlay ayaa isla qodobkan ka hadlay, waxaanu yidhi  “Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wada shaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay, arrinkanna waanu ka wada hadalnaa.” ayuu yidhi.