Dawladda Djibouti Oo Bilowday Dhismaha Deked U Gaar Ah Dhoofka Xoolaha Nool

0
633

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Djibouti ayaa ku jirta dhismaha deked cusub oo ay ugu tallo gashay in laga dhoofiyo xoolaha nool ee taga dalka Sucuudiga iyo dalalka kale ee Carbeed.

Wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa dhawaan baahiyay in dawlada Djibouti dhisayso dekedda ugu weyn gobalka taas oo noqon doonta deked u gaar ah suuqa dhoofka xoolaha. Wuxuu Wargeysku sheegay in dekedda laga dhisayo duleedka caasimadda, laguna magacaabi doono Damerjoog Livestock Port. Wuxuu wargeysku sheegay in macmiilka ugu weyn ee dekedaas xoolaha ka dhoofin doonaa uu noqon doono dalka Itoobiya oo uu wargeysku sheegay inuu yahay dalka ay ku noolyihiin xoolaha ugu badani gobalka Geeska Afrika.

Dekedan ayaa waxa sannadkii ka dhoofi doona sida uu qorshuhu yahay 10 milyan oo neef, waxaana halkii marba ku soo xidhan doona shan markab oo ah kuwa xoolaha qaada.

Qorshahan dawladda Djibouti ayaa ku soo  beegmaya wakhti ay dawladda Sucuudigu joojisay xoolaha nool ee loo dhoofin jiray Somaliland iyo Somaliya. Iyadoo xoolaha nooli yihiin laf dhabarta dhaqaalaha Somaliland, haddii dekedan la hirgeliyo waxay saamayn toos ah ku yeelan doontaa dhaqaalaha iyo nolosha dadka reer Somaliland, mana muuqdo wax qorshe ah oo ay dawladda Somaliland kaga tallo gahay dekedaas cusub ee gobalka ku soo kordhaysa.