Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay aqoonyahan Maxamed Cali Bile, oo ka soo fadhiistay shaqadii Qaramada midoobay una soo digo rogtay arrimaha siyaasadda.
Maxamed Cali Bile, ayaa la filayaa inuu maalmahan si rasmi ah ugu biiro siyaasadda Somaliland, waxaanu ku biiri doonaa xisbiga KULMIYE oo noqon doona salaanka uu siyaasadda dalka ka fuuli doono.
Maxamed Cali Bile, ayaa xilal iyo shaqooyin kala duwan oo sare ka soo qabtay Qaramada Midoobay, waxaanu ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Yemen, Ciraaq, Nayjeeriya, Turkiga iyo wadamo kale.
Maxamed, waxa sidoo kale madaarka ku soo dhaweeyay dadweyne kale oo ku sugayay madaarka Hargeysa.