Wankii Noqday Boqorka Kaynta W/Q. Cabdillaahi Xassan Cismaan

0
791

Waraabe toobad keen ah ayaa intuu tusbax dheer lasoo ag fadhiistay Riyo iyo Ido isagoo cod dheer ku maqashiinaya ku cel celiyay Astaaq furunlaa Astaaqfurunlaa….”Allow iga saamax waxaan Adhi soo cunay toobad keen baan ahaye Allow toobadana iga aqbal”…..Allow khaatumo xumo haygu dilin”

1

Laba maalmood markuu xadhko bira isku xejinayay hoostaana ka hamuumyaysanyay ilqoodhana marba ka jaleecayo, ayay idaha oo lagu xanto Faan iyo Libaaxyayn badani intay yaabeen oo afar afar afka isu saareen yidhaahdeen  “Naa walaal ilaahay baa malaa soo hadeeyaye aynu iska dayno, marka horeba annagaa gacantayada ka dhawraynaye” Riyahii oo halkaa tuban daawanayana Fajida iyo Ruwaayada uu Waraabe metelayo ayaa judhiiba yidhi Biif…Biif…Biiif intay dhegaha taageen.

Idahii ayaa is abaabulay oo ergo usoo diray Riyihii si ay uga maslaxaan Waraabahan toobad keenka noqday. Iyaba waa cibaaree Idihii u yimaade Riyihii oo horeba uga war qabay nux nuxda idaha iyo waraabahan ruwaayada jilaya, shir deg dega la gal dood iyo Falanqayn dheer kadib waxa la doortay hogaan sare oo ah Guurti u badan Ahmin isugu jira Orgiyo iyo Wanan. Waa Guurti waaya arag ilbax ah oo lagasoo celiyay Sayladaha caalamka kadib markii suuqoodii dhici waayay laakiin khubaro ku ah shaxda sida loo dhigo.

Waxa lasoo saaray layskuna raacay in Waraabe la waydiiyo hal su’aal oo kaliya oo u dhigan sidan:-

Tusbaxa aad ku tasbiixsanayso Waraabow eed ilaahay ku baryaysaa muxuu ka samaysan yahay adigoo u sheegaya sida ilaahay kugu ogyahay?

Waraabe oo ay su’aashu ku noqotay laf dhuun gashay ayaa intuu is hayn kari waayay dhaartiina meel uu ka maro waayay ku jawaabay “Waxaan ka taxday Orgigii ugu dambeeyay ee aan cunay Lafihiisii”

“Hagaag, markaa maxaynu isu sheegaynaa haddaad lafahayagiiba ku tasbiixsanayso” “ Dacawo ayaa tusbaxa gacanteeda iigu taxday” ayuu sii raaciyay. Hadalba Gam

Sir baa fakatay lana ogaa cida shaxdan dhigaysa ee ah Nus dambeedka waraabuhuba inay tahay Dacawo.

Intaa kadib waxa la bilaabay shirar doceedyo ay daadihinayaan Guddidii Ahminka ahaa laguna kasbanayo quluubta Habar Dugaag iyo waliba sidii taageero xoogan looga heli lahaa, iyadoo qorshuhu yahay in kursiga Boqorka Kaynta lagu fadhiisiyo taashkana lagu saaro Mudane WAN.

Iyadoo laga taqalusayo Waraabe iyo Dacawo oo marka horeba xaq darro isugu Gaashaan buuraystay una heshiiyay badiba bah waynta kaynta sidii ay waligoodba majaraha ugu hayn lahaayeen iyo sidoo kale inay ka faaidystaan ugaadhan daaqa uun ku foorarta iyo wax dhuunta la mariyo een midnimaduna ka dhaxayn, kursigana Sidaa loogu boqro Waraabe. Waxii ka dambeeyana midba mar lagu fadhiisiyo.

Haddaba, Waxa lagu guulaystay in Shabeel oo ahaa garabka waraabe miisaan culusna ku lahaa in lasoo xero galiyo. Sidaas si la midana Mudane Maroodi oo mar kasta iska leh kursiga Kuxigeenkana lagu guulaystay Aqlabiyadiisii.

Noolaatay yididiiladii naxashka saarnayd.

Intaa kadib waxaa iyana lagu guulaystay dhamaan Aqlabiyadii Dabaqadihii Dulmanaa kana qatanaa Maamulka Kaynta oo ay kamid ahaayeen Biciid, Deero, Harimacad,Sakaaro iyo dhamaaan intii ay faro ku qaateen. 

Marka laga yimaado Mudane Daanyeer oo qudhiisa damac kaga jiray kursiga ugu sareeya Kaynta balse markii dambe hankiisii u sadqeeyay Waraabe oo ay isku bah ahaayeen kuna jawaabay “Maadaamo walaalkay olole ku jiro isagaan u tanaasulay dhisayaana, cidla kaga dhaqaaqi mayee meel uu itaal na dhigaba u kala tagi mayno”

 Doorasho gacan taag ah kadib Halkaas ayay guushii ku raacday Garabkii Ahminka ahaa taladii kayntana loo daba fadhiistay Mudane WAN

Hadaba xafladii loo qabtay wanka ayaa Waraabe oo kasoo qayb galay ay Mudane Wan isku waydaarsadeen  tixo kooban waxayna ku bilaabeen sidatan:-

Waraabe:

Wuxuu yidhi waa tahaye Nafsigii waayadan maqnaa

Inuu waaxyahayga yimi Aduunbaa ii waramay

Wadaagay baa tahaye an waayo is wehelinee

Wan yahaw hay goyn wadnaha

Wankii

 Wuxuu yidhi waa tahaye  kolkaad waydaysantahay

Ninkii kuu gala wanaag abaal baa laga wardaa,

Waxyeelaan kugu aqaan wanaag baan kuu wadacay

Warkuna waa kooban yahay wadaagnimo kaama rabo

Wadanka anaa iskale ankala waydaaranee

Waraaboow maalin wacan    

“ereyadii Carays Ciise “

Fiiro Gaar Ah: Sheekadani waa Sheeko faneed ka hadlaysa Wadciga siyaasadeed ee dalkeena Somaliland.

W/Q. Cabdillaahi Xassan Cismaan

Facebook:  Abdilahi Osman

Email: 0634409392@gmail.com