Maxaa Keena Dhagaxa Kelyaha Ku Samaysma, Sideese Looga Hortagi Karaa?

0
1143

Hargeysa (Geeska)- Cilmi baadhis caafimaad oo natiijadeeda dhowaan la baahiyey ayaa daahfurtay in dhagaxa kellida ku samaysmaa uu ku badan yahay ragga, marka la barbar dhigo dumarka, iyo  Dadka uu ku dhaco caabuqa kaadi mareenka ama khal-khal kelyuhu ay u badan tahay in uu dhagax ku jiro. Cilmi baadhistani waxa kale oo ay mar kale xaqiijisay daraasadihii caafimaad ee hore u sheegay in sababta ugu badan ee keenta dhagaxa kelyaha ku samaysmaa ay tahay qofka oo aan cabbin biyo iyo dareere ku filan jidhkiisa.

Eeg Bogga Googooska

 

Khubarada cilmi baadhistan samaysay iyaga oo sharraxaya wax-yaabaha uu ka samaysmo dhagaxa kelyuhu waxa ay sheegeen in uu yahay macdano iyo milix ka hadha kaadida oo muddo ku urura kellida. Dhagaxaasi waxa uu noqon karaa mid aad u yar oo le’eg midhaha ciidda bacaadka ah, waxa aanu le’ekaan karaan kubadda yar ee lagu ciyaaro xeegada. Sida ay khubaradani sheegeen dhagaxani mararka qaarkood isaga ayaa iskii isaga burbura oo soo raaca kaadida, inta badadnna waxa uu dhagaxaasu noqdaa mid aad u yar oo qalniin aan u baahanyn, laakiin mararka qaarkood waxa uu qabsadaa kellida ama kaadi mareenka, oo uu khatar caafimaad ku keeni karo haddii aan qalniin lagaga saarin.