Hay’adda Mercy Corps Oo Dhagax Dhigtay Dhisme Ay U Dhisayso Wasaarada Waxbarashada

0
4053

Picture2Hargeysa (Geeska) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye iyo Marwo Ayaan Khadar Daahir oo ah madaxa xafiiska Mercy Corps ee Hargeysa, ayaa xarunta Wasaaradda waxbarashada si wada jir ah uga dhagax dhigay dhisme laba dabaq ah oo Wasaaraddu yeelan doonto, kaasi oo ay dhisayso hay’adda Mercy Corp isla-markaana ay maalgalinayso hay’adda USAID.

 

Munaasibadda dhagax dhiga dhismahan labada dabaq ah, ayaa waxa ka qayb-galay agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda hawlaha guud Rashiid Maxamed Cali, waxaanu halkaasi ka jeediyay hadal kooban “Runtii waxa inoo farxad ah in dhisme cusub laga bilaabo wasarada waxbarashada oo noqon doonta xarunta cusub, wasaaradda waxbarashada oo dhismaheedii hore jiro in kan cusubna loogu daro oo ay hay’adda USAID maalgaliso, hay’adda Mercy Corps-na ay fulinayso, markaa waxa mahad ILAAHAY ah in dhismahani inoo taagan yahay halkii uu ka bilaabmayey” ayuu yidhi.

Madaxda xafiiska Mercy Corps ee Hargeysa Marwo Ayaan khadar  Daahir, oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Waxaynu halkan iskugu nimid dhagax dhiga dhismaha cusub ee loo samaynayo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo ay maalgalinyso USAID, waxaana fulinaysa hay’adda Mercy Corps oo kaashanysa wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, runtii waxaanu aaminsanahay in dhismahani wax weyn ka tari doono, hawl maalmeedka wasaaradda waxbarashada”

Ayaan Khadar, waxa kale oo ay sheegtay “kobcinta hay’ada Mercy Corps ay ka geysato dhinca waxbarashada  kuma ega oo kaliya dhismahan aynu dhagax dhigayno, waxa jirta in toddobadkan aynu ku guddo jirno aanu dhagax dhignay dugsiga Gacan libaax oo aanu dayactir iyo balaadhinba ku samaynayno, waxa kale oo aanu gacanta ka qaadnay dhamaystirkiisa dugsiga sare  ee New Gabiley, oo aanu rajeynayno in toddobaadada soo socda aanu wareejin doono”ayay tidhi waxayna intaasi ku dartay “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Wasaaradda waxbarashada wadashaqeynta tooska ah ee aanu leenahay”.

Wasiru-dawlaha Wasarada waxbarashada iyo Tacliinta sare  Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo isaguna ugu dambayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Annaga ka wasaarad ahaan farxad ayey noo tahay inaanu dhagax dhigno guri laba dabaq ah oo wasarada loo dhisayo, taasi waxay qayb ka tahay waxqabadka xukuumadda ee wasaarad walba loo qoondeeyey inay dhisato meel ku filan oo shaqada lagu wadi karo, waxaan u mahad naqayaa USAID oo iyadu maalgalisay, waxa kale oo aanu u mahad naqayaa hay’ada Mercy Corps oo iyaduna hawshan fulinysa”