Maxaa Hakiyay Shirkii Wada tashiga Ee Muqdisho?

0
508

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Shirkii siyaasiyiinta Somaliya iyo beesha caalamkga uga socday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ee lagaga hadlayay doorashooyinka 2016 ayaa maalintii labaad shalay dib u dhacay, iyadoo uu baaqday Isniintii, halka uu Axadii ka furmay.

mmmm

Shirkan oo ka furmay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan maamul goboleedyada dhawaanahan la dhisayay, waxaanu qorshihiisu ahaa inuu xidhmo salaasadii shalay.

Laakiin shirka oo baaqday Isniintii, ayaa haddana salaasadii shalay baaqday sababna lama sheegin, waxase socda shirar gaar ah. Waxaa si weyn loogu kala aragti duwan yahay qaabka la doonayo in lagu soo xulo xildhibaanada 2016 ee Baarlamaanka Somaliya.

Puntland iyo Jubaland waxa ay taagan yihiin in la fuliyo heshiiskii Garowe 1 2012 iyo natiijadii ka soo baxdey ergooyinkii talada la weydiiyey ee ahayd in aan dib loogu noqon 4.5 ee degmooyin wax lagu soo xulo. Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo weliba Madaxda dawladda Xasan Sheekh  waxay qabaan in 4.5 wax lagu soo xulo. Waxaa jira qodob kale oo ergooyin ka socda beesha caalamku ku soo kordhiyeen oo ah in labada aragtiyoodba la qaato degmooyinka 92 laga soo xulo mid hal xildhibaan halka inta dhiman ay ku yimaadaan 4.5, taas oo Puntland iyo Jubaland ay diideen. Shirar doceedyadan ayaa u muuqda kuwo aan guulaysan, waxaana la dareemayaa in ergooyinka qaar ay ku noqonayaan deegaanadii ay ka yimaadeen. Beesha caalamka ee ku dhex-jirta shirarkan ayaa wada dedaal la isugu soo dhaweynayo, waxaa iyadana miiska saaran qorshe kale oo ah muddo kordhin aan la aqoon waqtigeeda iyo qaabka ay noqoneyso.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhinacyadu wada aaminsan yihiin in ay waajib tahay in la helo waddo looga baxo caqabada taagan, lamana oga cidda tanaasuli doonta iyo in la qaadan doono xal kale oo ka wada baxsan kuwa hadda la isku hayo.