Golaha Wakiilada Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Kufsiga

0
472

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa dood adag ka yeeshay xeerka kufsiga oo muddooyinkii ugu dambeeyey hor yaalay.

wwwwwwwwwwwww

Kalfadhigii shalay ee Golaha oo uu gudoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa Xildhibaanadu Goluhu waxa ay si adag uga doodeen Kufsiga, oo ay sheegeen inuu aad ugu soo badanayo dalka, waxayna ku taliyeen in ciqaab adag la marsiiyo cid alaale cidii ku kacda Kufsiga.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo isagu halkaas ka hadlay ayaa ku baaqay in shareecada islaamka iyo kitaabka la raaco, oo wixii ay ka qabto shareecado lagu xukumo cid walba oo kufsi ku kacda.

Xildhibaan siciid Cilmi rooble, Xildhibaan Baar Siciid iyo Xildhibaan Dable oo iyana kalfadhigaas ka hadlay ayaa dhankooda waxa ay ka sheegeen inuu kufsigu aad u soo badanayo, waliba kufsiga wadareedku uu aad u soo badanayo, loona baahan yahay in meel adag la iska taago, oo cid walba oo ay khuseeyso loo yeedho, si wax looga qabto.

Dhinaca kale doodan Xildhibaaanda ayaa waxa goob joog ka ahaa qaybaha kala duwan ee Bulshada.