Hargaysa( Geeska )- Masuuliyiinta xisbiga macaaradka ah ee Udub, ayaa ku dhawaaqay in ay go’aan ku gaadheen in aan doorasho ka dhacin dalka, isla markaasna ay hor-istaagi doonaan doorasho inay ka dhacdo guud ahaan dalka.
Hadalkan ayaa ay warbaahinta u soo gubiyeen kadib markii siyaasiyiin uu horkacayay Cali Maxamed Warancade kulan ku dhawaad saacad qaatay ay la yeesheen shir gudoonka golaha guurtida, isla markaasna la sheegay inuu u soo gubiyay in aanay jirin wado ay wakhigan doorashada deegaanka kaga qaybgali karaan, rajo la’aana ay ku dhamaatay kulmo ay la qaateen komishanka doorashada.
Xubanahan la kulmay shir gudoonka golaha guurtida ee uu hogaaminayay Cali Warancade ayaa kala ahaa, Saciid Sulub,Axmed Xaaji Daahir, xogyaha ku meelgaadhanka ah ee UDUB Cabdixaliim iyo masuuliyiinkale. Waxaanay masuuliyiintan ka soo baxeen kulankan ay la qaateen shirgudoonka golaha guurtida iyaga oo niyad jabsan, isla markaasna uu ka muuqdo jaahwareer iyo caga jiid.
Intaas kadib waxa ay masuuliyiintan UDUB ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta guud ee Xisbiga UDUB, waxaana afka xisbiga isaga oo ku hadlaaya warbaahinta la hadlay Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan) oo ku dhawaaqay go’aanka xisbiga“ Guddidii doorashooyinka iyo wax alle wixii iyaga ku xidhnaa , waxa ay isku raaceen in UDUB laga saaro saaxada oo laga reebo doorashada si xaqdaro ah , anana haddaanu UDUB nahay , waxa aanu taa kaga jawaabaynaa oo aanu go’aansanay in aanay doorashaba dhicin , UDUB doorasho ay diidaana ka dhicimaysa dalka , haddii aan taa wax laga qaban oo aan khaladka dawlada iyo taageerayaasheedu ay galeen aan laga noqon UDUB waxa ay go’aansatay in aanay doorashaba dalka ka dhicin “ ayuu yidhi Xildhibaan Hoori.
Xibiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa wakhtigan si cad cagta u saaray jidkii uu kaga bixi lahaa saaxada siyaada, inta-badan masuuliyiintii xisbigaasina waxa ay haatan siyaabo kala duwan uga hadlayaan cida u sababta ah burburka xisbigaas soo food saaray.