Hargaysa( Geeska )-Guddoomiyihii saddexaad ee urur siyaasadeedka Umadda prof. Axmed Maxamuud Nuur, ayaa daboolka ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu ka hayay urur siyaasadeedka Umadda, si rasmiyana ugu biiray xisbiga Kumiye.
Guddoomiyahan saddexaad ee urur siyaasadeedka Umadda oo ka soo jeeday bariga gobalka Sanaag, ayaa ku sababeeyay is casilaadiisa in beeshoodu ay si rasmiya u qaadatay gogashii nabadeed ee uu u fidiyay madaxweyne Siilaanyo gobalada bariga Somaliland, isla markaasna ay ka soo goosteen maamul gobaleedka Puntland.
Axmed Maxamuud Nuur waxa uu sidan ku sheegay shir jaraad oo uu ku qabtay magaalada Hargaysa, waxaanu ugu danbayntii fariin u diray madaxweynaha Somaliya iyo madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkaas oo aan muddo soo hayey, sababaha ugu waaweyn ee keenay waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinac Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan beeshii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii umadda.”
Axmed Maxamuud oo sheegaya halka uu siyaasad ahaan ku biirayo waxa uu yidhi “ Waxan si toos ah ula shaqaynayaa xisbiga Kumiye ee muxaafidka ah iyo xukuumada, waanay idiin muuqdaan sababaha keenay iyo guulaha uu madaxweynuu ka gaadhay go’gashii nabadeed ee bariga.”