Xukuumada Oo Loo Qabtay Inay 7 Maalmod Ku Keento Cidii Ka Dambaysay Weerarkii Hubaal

0
514

Picture3Hargeysa (Geeska)-Madax-dhaqameed iyo aqoonyahan ka soo jeeda Beesha uu ka dhashay Maareeyaha  Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Crown ee Hargeysa baaq ugu diray Xukuumadda, kaas ah oo inay muddo 7 maalmood ah ku soo caddayso ciddii ka dambaysay weerarkii hubaysnaa ee dhawaan lagu qaaday xarunta Wargeyskaasi, laguna dhaawacay Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay).

Madax-dhaqameedka beesha Maareeyaha Wargeyska Hubaal iyo aqoonyahano kale oo halkaas si wada jir ah uga hadlay, ayaa sheegay inay og yihiin cidda ay godobtooda u raacayaan, balse maadaama oo nabadgalyo iyo kala dambayni dalka ka jirto xukuumadda ku ixtiraamayaan inay meel saarto ciddii ka dambaysay falkaasi oo hal qof loo qabtay isla-markaana xukuumaddu aanay ilaa hadda si rasmi ah uga hadal sida baadhitaanka kiiskaasi u socdo.

Suldaan Jaamac oo ka mid Madax-dhaqameedka Beelaha Sacad Muuse oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aanu nahay beesha uu ka soo jeedo Wargeyska Hubaal, waxaanu leenahay haddii aan si shakhso ah looga jawaabin falkiii Wargeyska Hubaal dhibaatadeeda ayay leedahaye ha lagu talo gallo”

Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah mulkiilaha Huteelka shirkan jaraa’id lagu qabtay isla-markaana ka mid ah beesha waxgaradkeedu hadlay ayaa isaguna yidhi “Falka Hubaal ku dhacay aduun-weynuhu hoosta ayay ka xariiqeen, dimuqraadiyadeeniina shakibaa ku jira”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud (Xiirey) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland, isla-markaana halkaasi ka soo jeediyay hadal kooban ayaa yidhi “inaga oo aan waxba xumaynayn waxaynu tilmaamaynaa in xukuumaddu ku khaldantay wargeyska Hubaal oo arinkaasi dawgeedii looga fadhiyo, uma fadhino inaynu Madaxwaynaha amaan-no”

Sheekhu waxa kale oo uu soo qaaday “Anigu waxaan ka mid ahay dadka jecel in maamulka la toosiyo, waayo wax badanbaa inaga khaldan, dadku maanta way hubaysan yihiin, falkii argagixisada ahaa ee hubaysnaa ee wargeyska Hubaal ku dhacay maaha wax la qaadan karayo, xoriyaduna waa wixii aynu u soo dagaalanay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Beel ku tilmaami mayno, dadka falkaa sameeyay waa nidaam jira oo ka dhex samaysmay Somaliland oo ujeedo gaar ah leh, haddii wax laga qaban waayana Somaliland duminaya”

Suldaan Mowliid Cali, oo isaguna halkaasi si adag uga hadlay ayaa yidhi “Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay soo qabato booliska direyskeeda sitay ee hawlgalka uur-dooxatada ah fulinayey oo ay soo caddaato iyo sababtii keentay inay nimankaasi hawshaasi fuliyaan, haddii kale Madaxwaynaha Somaliland yaanu noqonin Madaxwayne dawee la leeyahay Dambi uu badh leeyahay, haddii aanu nahay beesha Sacad Muuse, falkaasi xukuumadda ayaanu uga fadhinaa inay jawaab deg-deg ah ka bixiso.”

Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, oo isagu soo gabagabeeyay shirkaasi jaraa’id ayaa yidhi “Falkaa Wargeyska Hubaal Cid baa ka dambaysay oo hageysay, ciddaana waala garanayaa, ciddaasina waa xukuumadda, godobtaa lanaga galay haddii aanu Sacad Muuse nahay meeshii aanu u raacaynay waanu garanaynaa, haddii xukuumaddu arinkaa jawaabtiisa na soo hor dhigi waydo jawaab waafi ah ayaanu ka bixin doonaa. Waxaanu leenahay haddii xukuumaddu muddo toddobaad ah wax cad nagu soo hordhihi waydo jawaab ayaanu qaadi doonaa.”