Masar Oo Saanad Milatari Ku Wareejisay Dawlada Somaliya

0
544

Muqdisho(Geeska)-Dawladda Masar ayaa hub milatari oo culus ku wareejisay dawladda Somaliya, kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan ee hubka.

1

Waliid Maxamed Ismaaciil oo ah Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa xaflad loo qabtay wareejinta hubkan wuxuu  ka sheegay in saanadda ciidan ay isugu jirto gaadiid cidan, gaadiidka gurmadka deg-degga ah, iyo qoryo loogu tala galay in ay ku howl galaan ciidanka Somaliya.

Cabdulqaadir Sh Cali Diini Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Masar isagoo xusay in Dowladda iyo Shacabka Masar ay soomaaliya ka caawiyeen dhinacayada Waxbarashada, Caafimaadka iyo tababarka Ciidamada.

Dawladda Masar ayaa lagu eedeeyaa inay dano siyaasadeed oo ay Somaliya ka leedahay darteed ugu daabusho saanado milatari oo kala duwan.