Masar Oo Qabatay Tahriibayaal Badda Marayay

0
516

Qaahira(Geeska)-Ciiddanka Badda ee Masar waxay qabteen dooni Kalluumeysi oo ay la socdeen 159 Tahriibayaal, kuwaasi oo ka shiraacday Xeebaha Waqooyi Masar, kuna soo jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Hadal-qoraal oo uu Afhayeenka Ciiddanka Badda ee Masar soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay Ciiddanka Badda ee sugaya Xeebaha Masar ay hor-qabteen Dooni laga shakiyey, taasi oo ka shiraacatay Waqooyiga Xeebta Abu Qiir.

Ciiddanka Badda Masar waxay baadhitaano ku sameeyeen dadka saarnaa Doonidaasi, oo tiradoodu dhamayd 159 Tahriibayaal si sharci-darro ah ku safrayey, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Somalia, Ethiopia, Sudan, Yemen, Eritrea iyo Jesiiradda Komooros.

Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Afhayeenka Ciiddanka Badda ee Masaarida, waxaa kaloo lagu sheegay in la xidhay 3 Badmaax oo waday doonidaasi.

Waa Hawlgalkii ugu horreeyey ee ay Ciiddanka Badda ku soo qabtaan Tahriibayaal, tan iyo wixii ka dambeeyey Masiibadii dhacday bishii la soo dhaafay, oo ay boqolaal Tahriibayaal u badnaa Soomaali ku geeriyoodeen dooni ku degtay Xeebaha dalka Masar.