Marxuum Shide Xaaji Diiriye Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa

0
514

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyay Marxuum Shide Xaaji Diiriye, oo ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee reer Somaliland ee mudada dheer ku soo dhex jiray ganacsiga.

1

Marxuum Shide, waxa aaskiisa ka qayb galay dad tiro badan oo uu ka mid ahaa madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaanay dadkii ka qayb galay marxuumka Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa tacsi u diray umadda iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Shide oo ay ka warameen taariikhdiisii kala duwanayd ee uu ku lahaa horumarka dalka.