Jamaal Cali Xuseen Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

0
507

Picture7Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha xisbiga UCID, oo uu ku eedeeyay inuu hadal meel ka dhac ah ku yidhi dhallinyarada reer Awdal.

Jamaal, oo isagoo jooga magaalada Dubai ee dalka UAE shalay la hadlay HCTV, ayaa u muuqda inuu markii u horaysay si toos ah u weerarayo guddoomiye Faysal Cali Waraabe “Dhallinyaro ka soo jeeda gobalka Awdal, odayaal iyo dad badan oo aad iila soo xidhiidhay ayaa ka cawday hadaladii uu guddoomiyuhu ka yidhi warbaahinta, marka hore xaal ayaanu dadkaas ka siinaynaa xisbi ahaan, maaha guddoomiye xisbi iyo madaxda qaranku inay marna arrimo xanaf leh oo qabyaalad dhex galaya yidhaahdaan, dadku waa dad walaalo ah, Awdal iyadaa dhisatay Somaliland, u malayn maayo inay dadka reer Awdal dadka kale ee walaalahood ah necebyihiin wanaag ay u hayaan mooyee.” Wuxuu Jamaal, sheegay inay dadka reer Awdal cod xoog leh siiyeen xisbiga UCID laba sannadood ka hor markii ururada la furay.

Waxa kale oo uu Jamaal ka horyimid qodob kale oo uu sheegay inuu Faysal yidhi  “Qodob uu guddoomiyuhu yidhi haddii aan u arko nimanka murashixiinta ka ah xisbigaygu inaanan taageersanayn waxay igu kelifaysaa inaan taageero oo aan  dadka ku idhaahdo nimanka xisbiga kale ka sharaxan codka siiya. Horta hadalkaas annagu waxaanu u aragnay sidii  diyaaradii intay Hargeysa ka kacday isla Hargeysa duqaysay, guddoomiyaha kamaanu filanayn inuu xisbigiisa duqeeyo, taasi waa mid diqmuraadiyada ka baxsan caalamka meel lagu arkayna ma jirto, nin xisbi guddoomiye ka ah oo yidhaahda xisbigayga dadkii ka sharaxnaa ma taageerayee xisbi kale ayaan taageerayaa.”

Ugu dambayn wuxuu Jamaal ku hanjabay inay ka tashan karaan Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi

“Haddii aanu annagu u aragno inaanu hoggaankii xisbigu na wadayn oo guuul noo horseedayn  waxay nagu kelifi doontaa inaanu shirweyne aan caadi ahayn isugu yeedhno oo aanu kaga arrinsanayno guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga.”