Mary Mallon: Qisada Yaabka Leh Ee Gabadh 26 Sannadood Karantiin Caafimaad Ku Jirtay (Q.2aad)

0
218

Sannadkii 1915 kii ayaa waxaa xanuunka Tayfoodhka laga helay dad lagu qiyaasay 15 ruux oo ku jiray cisbitaal dhalmada ahaa oo ku yaalla New Jersey. Mar kale ayaa isla khabiirkii hore ee George Supper loo yeedhay si uu u raadiyo halka uu xanuunkani asal ahaan ka yimi, mar kale ayaanu baadhistii ku soo saaray in gabadhan Mary Brown oo aanay isaga iyo dadka kaleba garanayni ay tahay halka uu ka soo fiday xanuunku. Mar kale ayaa Mary la qabtay oo lagu celiyey isla cisbitaalkii hore ay ugu jirtay. Laakiin markan xaalku sidii hore waa uu ka xumaa oo waxaa loo arkay in ay gef samaysay sidaas awgeed waxaa loo sheegay in inta nolosheeda ka hadhay ay cisbitaalkaas ku jirayso.

23 sano oo imrigeeda ka mid ah ayaa ay Mary ku qaadatay Karantiinka Xabsiga u dhigma ee lagu celiyey. Sannadkii 1938 kii ayaanay u dhimatay dhiig maskaxda kaga furmay. Mary maydkeeda waa la gubay iyada oo laga cabsi qabo in maydku uu cudurka faafiyo, waxaana munaasabadda jinaasadeeda yimi 9 ruux oo keliya. Mary Mallon inkasta oo ay rubuc qarni nolosheeda ka mid ah ku qaadatay karantiin caafimaad, haddana waxa ay geeriyootay iyada oo aan weli garanayn waxa ay dhakhaatiirtu uga jeeddo in ay qabto xanuunka Tayfoodhka, maadaama oo illaa markaas aanay mar keliya ka soo ifbixin calaamadihiisu.

Dhaxalkii Mary Mallon iyo faafidda aragtiinka faafitaanka cudurrada

Dhimashadii Mary iyo gubistii maydkeeda kaddib waxa ay culimada caafimaadku aamineen in nidaamka caafimaad ee dalka Maraykanku aanu gabadhaas ula dhaqamin si cadaalad ah oo la siman bukaanka Maraykanka ah. Sababtuna ay tahay in ay ahayd gabadh aan xaasley ahayn, iyo soogalayti sabool ah. Markii ay geeriyootay kaddib waxaa la helay bukaanno kale oo uu canuunku helay, laakiin iyaga waxaa ku filnaaday dhowr toddobaad oo karantiinka lagu hayey xanuunkana waa ay ka bogsadeen. Haddaba su’aasha muhiimka ahi waca ay tahay waa maxay sababta ay Mary muddo rubuc qarni ah ugu jirtay karantiin iyada oo weli ay dhakhaatiirtu sheegayaan in aanay ka bogsan xanuunka.

Qisada Mary Mallon ee ah in ay ahayd gudbiye xanuun aanay iyada calaamadihiisu ka muuqan waxa ay horseedday faafitaanka aragtiinka cilmiga ah ee aaminsan in Fayras kasta ay jiraan dad iyagu gudbiyeyaal ah, oo haddana qaarkood aanay ka soo bixin calaamadaha xanuunka ay faafinayaan. Laakiin cilmibaadhisaha aragtidani weli ma’ay gaadhin natiijo caddaynaysa sababta keentay in dadka qaar ay Fayraska u faafin karaan si ka badan dadka kale ee iyaguba isla fayraskaas sida.

Mark Woolhouse oo ah bare sare oo cilmiga cudurrada dillaaca iyo xanuunnada faafa ka dhiga jaamacadda Edinburgh ee Scotland ayaa sheegay in awoodda jidheed ee dadka xanuunnadan faafinayaa ay si fiican u maarayn karto xanuunka, sidaas awgeedna aanay ka soo baxayn calaamadihiisu, xaaladdiisuna si dabiiciga ah u soconayso isaga oo aan aaminsanayn in uu xanuunku ku dhacay. Laakiin Dr. Sylvie Bryan oo agaasime ka ah waaxda xanuunnada dillaaca iyo cudurrada faafa ee hay’adda caafimaadka adduunka ‘WHO’ ayaa ka soo horjeedda in aad loo aamino aragtida ah in ay jiraan dad xanuunka qaba oo aanay calaamadihiisu ka muuqanayn, ama in dadka qaarkii ay xanuunnada u faafiyaan si ka badan dadka kale, waxa aanay ku doodaysaa in arrimahaasi ay abuuri karaan takoor bulsho iyo sumcad xumo soo waajahda dadka xaaladahan lagu sheego. Dr. Sylvie waxa ay ku doodaysaa in sida saxda ahi ay tahay in xoogga la saaro wax ka ogaanshiyaha iyo xal u helidda faafitaanka xanuunka guud ahaantiiba, oo aan la isku mashquulin in cidda xanuunka faafinaysaa ay si caadi ah u faafin karto iyo in sida ay u faafinaysaa ay ka awood badan tahay dadka kale ee la midka ah. Dr. Sylvie waxa ay ku doodaysaa in duruufaha ku xeeran iyo xaaladaha hadba jiraa ay leeyihiin masuuliyadda runta ah ee faafitaanka fayraska, balse aanay ahayn qofka xanuunka qaba qudhiisa.

Taariikhda adduunyada waxaa soo maray xanuunno marar kala duwan dillaaca oo si weyn u faafay, nafo badanna galaaftay. Waxaa ka mid ahaa cudurkii Tayfuska (Typhus) oo marka laga tago dhibaatadiisa nafeed yeeshay saamayn siyaasadeed, kaddib markii uu fashiliyey ol’olihii uu sannadkii 1812 kii hoggaamiyihii Faransiiska ee Napoleon Bonaparte ku qaaday Ruushka. Waxa kale oo xanuunnada khatarta ah ee dunida soo maray ka mid ah ‘Geeridii madoobayd’ (Black Death) oo qarnigii 14-naad ay adduunka ugu dhinteen dad tiradooda lagu qiyaaso 20 milyan, iyo Fayraskii Isbaanishka oo isna qarnigii labaatanaad dilay 50 Milyan oo ruux. Waxaa isna jira xanuunka xumadda Tayfoodhka oo isagu weli adduunka ka jira, dadka uu ku dhacayna ay gaadhayso illaa 20 milyan oo qof. Tayfoodhka waxaa sannad kasta dunida maanta ugu dhinta dad ka badan 161 kun oo qof.

Mary Mallon oo warbaahintu marka dambe ula baxday magaca ah Mary Typhoid waxa ay ka mid tahay dad dhif ah oo qarnigii hore lagu arkay xanuunkan, oo aanay calaamadihiisu mar keliya ka soo if bixin, isla markaana awooda in ay faafiyaan. Mary Mallon waxaa la sheegaa in muddadii ay xabsiga Karantiinka ah ku jirtay hawsha keliya ee ay waqtiga isku dhaafin jirtay in ay ahayd wax akhriska.

Buugga ‘Typhoid Mary’ waxa uu ka sheekaynayaa qisada Maryo Mallon, oo uu la eegayo taariikhdeeda bulsho iyo taariikh nololeedkeeda. Taariikhyahanka buugga qoray ee Judith waxa ay sawir ka bixinaysaa duruufaha nololeed iyo eek u xeernaa xaaladda gabadhan oo ay ka mid tahay in magaalada New York ay berigaas u qaybsanayd dabaqado dhaqaale, cadaawad badan iyo fogeyna lagu hayey dadka soogalaytiga ah si guud iyo gaar ahaan bulshada haweenka ah. Waxa ay dood ka qabtaa illaa xadka ay suurtagal tahay in qof xoriyaddiisa meel lagaga dhaco si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dadweynaha.