Mary Mallon: Qisada Yaabka Leh Ee Gabadh 26 Sannadood Karantiin Caafimaad Ku Jirtay (Q.1aad)

0
574

Faafitaanka Fayraska ‘Corona’ oo dunida oo dhan ku qasbay in ay qaadaan tallaabooyin saamayn weyn ku yeeshay hab nololeedkii bulshooyinka ayaa ina xasuusinaysa qisada haweenay lagu magacaabi jiray Mary Mallon oo muddo 26 sano ah ku jirtay karantiin caafimaad.

Mary Mallon oo ahayd Ingiriisk 23-kii Sabtembar 1869 kii ku dhalatay gobalka Woqooyiga Ireland ee dalka Ingiriiska ayaa markii ay 15 gu’ jirtay waxa ay u haajirtay dalka Maraykanka, kaddib markii ay u adkaysan weyday macaluushii weynayd ee waqtigaas ka dhacday Ireland.

Markii ay magaalada New York ee dalka Maraykanka tagtay waxa ay bilowday in ay ku shaqaysato ‘adeegto’ ka shaqaysa guryaha, laakiin maadaama oo ay cunto karinta aad xariif ugu ahayd sannadkii 1900 waxa ay heshay shaqo cunto kariye oo ay kala hororsan jireen qoysaska maalqabeenka ah ee deggenaa New York. Waqtigaas waxaa magaalada iyo deegaanno kale oo Maraykanka ah ka dillaacay cudurka Tayfoodhka ama

Tiifoowga loo yaqaanno. Nasiibdarro Mary wax aqoon ah uma ay lahayn xanuunkan khatartiisa fahamna kama ay haysan. Sannadkii 1906 dii iyada oo cunto kariye ka ah guriga nin maalqabeen ah oo lagu magacaabi jiray Charles Warren ayaa uu xanuunkani ku dhacay inantii keliya ee uu ninkaasi dhalay. Kaddibna waxa uu ku faafay qoyska oo dhan oo ay ka mid yihiin xaaskiisa oo inanta yar hooyadeed ah, laba dumar ah oo guriga ka shaqaynayey oo Mary ku jirto iyo ninkii beerta uga shaqaynayey. Waa lix qof oo ka mid ahaa kow iyo toban qof oo guriga ku noolaa.

Charless markii masiibadani gurigiisa haleeshay waxa uu raadsaday nin lagu magacaabi jiray George Super oo inkasta oo uu Injineer dhisme ahaa, haddana waayoaragnimo badan u lahaa faafitaanka xanuunkan Tiifooga. Waxa uu ka dalbaday in uu baadhis ku sameeyo sababta faafitaankan argagaxa leh ee xanuunku ku sameeyey qoyskiisa.

Baadhis iyo u kuurgal badan kaddib waxa uu xeeldheerahani ka shakiyey in Mary Mallon ay tahay qofka qoyska qaadsiiyey xanuunkan. Sababaha shakigiisan sii xoojinayey waxaa ka mid ah George Super oo intii uu baadhistan waday ogaaday in xanuunkani uu sida oo kale ku dhacay 7 qof oo ka mid ah qoys 8 qof ahaa oo ay markan ka hor ay Mary Mallon gurigooda ka soo shaqaysay.

Dabcan Mary xanuunkan in ay qabto iskuma ay ogeyn, sannadkii 1907 waxa lagu sameeyey shaybaadh caafimaad, natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in ay sido bakteeriyada sababta xanuunka Tayfoodhka. Arrinta yaabka leh ayaa ah in iyada aanay wax xaalad caafimaad darro ah ku keenin bakteeriyadani, sidaas awgeed waxa ay noqotay qofkii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee lagu arko in isaga oo aanay ka muuqan calaamadaha xanuunkani haddana uu gudbin karo.

Mary waxa markiiba loo dhiibay bilayska oo geeyey cisbitaal deegaanka New York ku yaalla si loogu karantiimo. Intii Mary cisbitaalka lagu sii waday oo dhan waa ay qaylinaysay oo ay ooyeysay iyada oo cid kasta oo agagaarkeeda ka dhowaata u sheegaysay in ay caafimaad qabto oo ay qalad tahay in bilaysku uu geeyo cisbitaalka.

Sida ay Judith Walzer Leavitt oo taariikhyahannad Maraykan ahi ku sheegtay buuggeeda buuggeeda ‘Typhoid Mary: Villain or Victim?’ Mary markii uu bilaysku doonayey in uu qabto waxa ay gashay difaac ay isku dayeysay in ay adeegsato mindyaha iyo maacuunka madbakha, markii lagu guulaystay in la qabtana sida libaa cadhaysan ayaa ay uga dhex reemaysay gaadhiga dhooliga ah ee lagu qaaday.

Markii cisbitaalka la geeyey waxa ay dhakhaatiirtii qaateen go’aan ah in sida keliya ee gabadhan lagu daweyn karaa ay tahay in laga saaro ‘Xamaytida’ laakiin arrintaas si adag ayaa ay Mary Mallon u diiday, arrintaas oo sababtay in ay muddo 3 sano ah lagu sii hayo cisbitaalkan oo yaraa. Meel gaar ah ayaa kelideed lagu karantiimay, waxa se taas kaga sii darnaa dadka Maraykanka oo isu sheegay in gabadhani ay tahay cadow xanuunkan la soo gashay dalkooda, sidaas awgeed magaceeda ayaa caan ka noqday dalka oo dhan. Waxa uu qof kastaa u arkayey in ay tahay gabadh khatar badan oo dhibaato u soo xaraysay Maraykanka.

Sannadkii 1909 kii ayaa ay Mary Mallon dacwad ka dhan ah wasaaradda caafimaadka Maraykanka u gudbisay maxkamadda, dacwaddan oo illaa maxkamadda saree e dalkaas gaadhay ayaa ay mar kale Mary ka tirsatay gar eexo. Qareenkeeda ayaa markii fadhiga dacwaddu socday waxa uu garsooraha u sheegay in gabadhan la geeyey cisbitaal sida xabsiga oo kale ay meel gaar ah ku xidhantahay, iyada oo aan loo raacin wax sharci ah oo xadhiggeeda fasaxaya. Laakiin maxkamaddii ugu dambayntii waxa ay gaadhay go’aan ay ku diidayso in gabadhan laga qaado karantiinka. Maxkamaddu waxa ay go’aankan ku sababaysay in la ilaalinayo caafimaadka guud ee bulshada, lagana hortegeyo in uu sii faafo xanuunka ay gabadhani sido. Si kastaba ha ahaato ee ugu dambayntii guddoomiyii magaalada New York ayaa sannadkii 1910 waxa uu gabadhan u fidiyey cafis ah in ay ka soo baxdo karantiinka, laakiin shardigu yahay in aanay dib ugu shaqaysan Karin cunto kariyenimadii.

Karantiinkii iyo mar labaad

Muddadii ay Mary Mallon ku jirtay karantiinka ma’ay fahmin khatarta xaaladdeeda caafimaad, mana ay fahmi karayn waxa looga jeedo ereyga ah ‘Gudbiye aan calaamadihii xanuunka lahayn’ oo ay si joogto ah uga maqlaysay dhakhaatiirta, sidaas awgeed isla markii ay ka soo baxday karantiinkan waxa ay bilowday in ay si qarsoodi ah ugu shaqaysato mihnaddeedii cunto kariyenimada, kaddib markii ay beddeshay magaceedii Mary Mallon oo ay ka dhigtay Maruy Brown. Laakiin Mary markan uma ay shaqo tegi jirin guryaha qoysaska ladan ee New York, waayo warkeeda ayaa ay is wada gaadhsiiyeen oo hadday arkaan khatar bay gelaysaa. Waxa ay dooratay jid kale oo kaba sii khatar badan, kaas oo ahaa in ay shaqo cunto kariye ka raadsatay madbakhyada wax loogu kariyo cisbitaallada gobalka New Jersey.

Sannadkii 1915 kii ayaa waxaa xanuunka Tayfoodhka laga helay dad lagu qiyaasay 15 ruux oo ku jiray cisbitaal dhalmada ahaa oo ku yaalla New Jersey. Mar kale ayaa isla khabiirkii hore ee George Supper loo yeedhay si uu u raadiyo halka uu xanuunkani asal ahaan ka yimi, mar kale ayaanu baadhistii ku soo saaray in gabadhan Mary Brown oo aanay isaga iyo dadka kaleba garanayni ay tahay halka uu ka soo fiday xanuunku. Mar kale ayaa Mary la qabtay oo lagu celiyey isla cisbitaalkii hore ay ugu jirtay. Laakiin markan xaalku sidii hore waa uu ka xumaa oo waxaa loo arkay in ay gef samaysay sidaas awgeed waxaa loo sheegay in inta nolosheeda ka hadhay ay cisbitaalkaas ku jirayso.

La soco…