“Madax Badan Iyo Xildhibaano Ayaa Shaqaale Ka Dhigtay Ajaanib, Muwaadiintiina Waa Bilaa Camal”

0
437

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyayha Ururada Xoogsatada Shaqaalaha Somaliland Maxamed Axmed Cabdi, ayaa sheegay inay Shaqaalaha Ajaanibka ahi dhib ay ku hayaan isla markaana shaqooyinkii ay ka hor istaageen Muwaadiintii Somaliland, waxaanu tilmaamay in xittaa Madax badan oo ka tirsan Xukuumadda in Guriyahooda joogaan dadka Ajaanib ah oo Shaqaale ka dhigteen, isla markaana ka door bideen dadkii muwaadiinta ahaa, waxaanu Xukuumadda ka codsaday inay Shaqaalaha Ajaanibka ah ka joojiso Shaqooyinka si ay fursad u helaan dadka Muwaadiinta ahi.  Guddoomiyaha Ururada Shaqaalaha Somaliland oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay xaalufinta Iskaarabka oo uu sheegay in si joogta ah loo gurto, waxaanu yidhi “In Muwaadiin badan oo reer Somaliland ahi bilaa shaqo ku dhacdo waxa sabab u ah, dadka Ajaanibka ah ee dalka ku soo kordhaya, kuwaas oo Shaqooyinkii oo dhan loo dhiibtay,kana shaqaynaya,Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ayeyna qabteen, waxaana ka mid ah Farsamadii Gacanta oo dhan, sida Nijaaridii, Wasdaadii, Rijiyeeyntii Guriyaha, Darawalnimadii, xittaa waxa jira inay Doobiyadii iyo Xamaamyadii ka joogaan, waxaana Shaqalahan ajaanibka ahi hor istaageen Muwaadiniin badan oo Somaliland u dhalatay, oo shaqooyinkan ka xoogsan lahaa”.  Guddoomiyaha xidhiidhka Ururada Shaqaalaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madax badan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa waxa ay Shaqaale ka dhigteen, oo Guriyahooda jooga, Babuurtooda darawalo ka ah, isla markaana Shaqooyin kala duwan u qabta Shaqaale Ajaanib ah, halka  ay bilaa Shaqo yihiin Muwaadiin badan oo reer Somaliland ahi”.

Guddoomiyaha xidhiidhka Ururada Shaqaalaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dalka miyi iyo magaalaba laga guraayey oo la xalufiyey waa Iskaarabkii oo cidi ma dareensana, markaas inay Xukuumaddu wax ka qabato weeye.  Dhinaca kale anagu cid na caawisa ma jirto, oo Xukuumadda iyo cid kale oo na caawisa oo dhaqaale na siisa ma jirto, anaga ayaa is dirnay, is abaabulay, muddo badan xilkan waanu haynay, markaas waxa aan kula  dardaarmayaa ururkada Shaqaalaha inay isku xidhnaadan, oo ay wax qabsadaan, oo ay mar walba noo yimadaan, anaguna muddo badan ayaanu xilka haynay, ilaa haddana ma hayno cidii xilkan nagala wareegi lahayd, anaga oo jecel in aanu wareejino, kuna wareejino Shirweynaha Ururka”.