Marwo Edna Aadan Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha Somaliland Ee Maraykanka, Dhaliilo Culusna U Soo Jeedisay Soomaaliya

0
532

Hargeysa (Geeska) – Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa dhaliilo culus u soo jeedisay Soomaaliya, waxayna sheegtay in aanay jirin midnimo dambe oo dhex mari karta Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna xustay in Somaliland waxba lagaga qaadi karin mudahaarado iyo wax la mid ah, iyadoo si gaar ahna u soo dhaweeysay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Mareykanka iyo khudbaddii uu jeediyey.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo arintan ka hadlaysa waxay tidhi “Waxaan leeyahay dadkii mudaharaadada meelahaas ka dhigaayey ee lahaa Somaliland been bay sheegaysaa, talow maxaanu beenta ka sheegaynaa ma dadkii na xasuuqay baa la xasuuqay, talow maxaanu beenta ka sheegaynaa ma xabaalo wadareedyadan maalin walba la soo saarayo ayaan jirin, talow maxaa waxaanu been ka sheegaynaa diyaaraddii intay Hargeysa ka soo kacdo ee Caasimadda Hargeysa iyo Berberaba duqaynaysay, ma waxaanu been ka sheegaynaa inay Somaliland nabad tahay, ma waxaanu been ka sheegaynaa in aanu qabanay Doorashooyinkii taxanaha ahaa, ma waxaanu been ka sheegaynaa inay Soomaaliya intaas nuskeed qaban kari weyday, oo ilaa maanta ciidamadu shiisheeye ahi ay ilaaliyaan, ma waxaanu been ka sheegaynaa nacaybkii ay Ciidamada Soomaaliya u qabeen ummadda Somaliland degaan, oo ku xasuuqeen oo keentay in milyan Somalilanderi ahi ay qaxaan, oo dalka ka qaxaan, markay kuwa walaalood sheeganaayey ay duqaynayeen, oo dal shisheeye ahi ay magangaliyo u doonteen, kaas leh Somaliland been bay sheegaysaa maxaa Mareykanka geeyey, wuxuu ka soo qaxay burburkii iyo xasuuqii Somaliland,   ama burburkii ay Soomaaliya isku geystay, ee dalkeedii ay ku burburisay, markaas waxaan leeyahay qudhaanjooy ku quuso, Soomaaliya Somaliland idiinma soo socoto, Shan Soomaaliyeed baa la ahaa Somaliland waad is aragteen, way idin nacday, oo wey idinka soo go’day ee Soomaali kale oo aad bodawsataan haddii ay jirto doonta…”