Sagaal Xildhibaan Oo Maraykan Ah Oo Maamulka Madaxweyne Joe Biden U Gudbiyey Codsi Dan U Ah Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay

0
443

USA (Geeska) – 9 xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ugu jira  oo Congres-ka Maraykanka, ayaa dowladdooda u gudbiyay, codsi ay ku doonayaan in dowladdoodu xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo wada-haqayneed ay la yeelato Somaliland.

Xildhibaannada ayaa Xukuumadda Biden ugu baaqday inay xidhiidh wanaagsan la yeelato Somaliland oo ay sheegeen inay ku taallo goob istaraatiiji ah oo u wanaagsan danaha Dawladaha uu Maraykanku ka mid yahay.

“Waxaanu ku boorinaynaa maamulka Madaxweyne Biden in uu xidhiidh qoto dheer Somaliland kala yeesho dibulumaasiyadda, dhaqaalaha, iyo danaha amaanka,” ayaa lagu yidhi baaq ay si wada jira xildhibaanadani ugu gudbiyeen Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Antony Blinken.

Baaqan ayaa lagu sheegay in marka la eego istiraatijiyad ahaan halka ay Somaliland ku taalo, dimuquraadiyadda ka jirta, xidhiidhka ay Taiwan la leedahay, dhaqaalaheeda kobcaya, in Somaliland lala kaashan karo adkaynta amniga gobolka isla-markaana uu Maraykanku ka heli karo dano badan “Buqcadda ay Somaliland kaga taalo Gacanka Cadmeed, taageeradeeda dimuquraadiyadda, la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada oo lala kaashan karo, iyo khataraha kale ee amni ee gobolka, xidhiidhka ay la leedahay Taiwan iyo dhaqaalaheeda kobcaya, Maraykanku wuxuu ka heli karaa fursado badan la shaqaynta Somaliland..” ayay Xildhibaannadani ku sheegeen Warqadda ay u gudbiyeen Qoraalka ay u gudbiyeen xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in marka la eego daganaansha la’aanta ka jirta Geeska Afrika intiisa kale, dagaalada Itoobiya ka socda, Eriteria oo iyaduna ku lug yeelatay, Sudan oo maamulkii millateriga ahaa ku soo noqday, doorashooyinka dib u dhacay iyo daganaansha la’aanta siyaasadeed ee Soomaliya ka jirta, Al-shabaab oo iyaduna weli ka dagaalamaysa, in loo baahan yahay in dowladda Maraykanku ay fikir keeda badasho.

Waxay sheegeen in Somaliland 30 sanno ay gooni u taagnayd, oo ay nabadeeda iyo maamulkeeda dhaqaaleba gacanteeda ku maamulaysay, isla-markaana ay la leedahay xidhiidho dibulumaasiyadeed iyo ganacsi waddamada gobolka, waxay xuseen in waddanka Itoobiya oo kale uu safaarad buuxda u dalacsiiyay xafiiskiisa Hargaysa, sidoo kalena ay waddamo carbeed iyo reer Yurub xafiisyo dibulumaasiyadeed ku leeyihiin.

Waxay sheegeen in xidhiidh ay dowladda Maraykanku la samayso Somaliland uu ka hortagi karo, isbalaadhinta dowladda Shiinaha ee gobolka, waxayna sheegeen in saldhigii Maraykanka ee Jabuuti uu nuglaaday kadib markii uu Shiinuhu isna saldhig halkaa ku yeeshay.
Waxayna ugu danbayntii dowladdooda Maraykanka usoo jeediyeen in ay qaado talaabooyin hor leh oo ay ku xoojinayso kuna taageerayso xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Warqaddan ay Xildhibaannada Guddiga Arrimaha dibedda ee Koongarayska Maraykanku u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaqaasi ka dib, wuxuu qoraal uu Boggiisa Twitter-ka ku baahiyey ugu Mahad-naqay Xildhibaannada qoraalka u gudbiyey Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka, waxaanu yidhi  “Waad mahadsantahay Michael McCaul iyo xubnaha kale ee guddida arrimaha dibedda, waraaqda aad u gudbiseen Antony Blinken, idinkoo maamulka Biden ku boorinaya, in uu kordhiyo oo uu xoojiyo wada shaqaynta uu Somaliland kala leeyahay, arrimaha dibilumaasiyadda, dhaqaalaha iyo danaha amaanka”