Axmednagaashe
Damaashaadka iyo ducada lagu soo dhaweeyay xeerkii xaajiga iyo xertiisu soo saareen ee hablaheena ka dhigay halo la iibsanayo ayaa marag u ah-ka sokow niyad wanaaga odayaasha- in dadkeenii doorsoomay oo qadarintii, xaqdhawrkii iyo ku dhaadashadii qiimaha qofka aadanaha ahi inaga lumay. Waxan wali ka yaabanahay sida aan loo dareemin saluugga ugubka ee sarriigtu dahday! Wadaad iyo waranleba ma gar baa in aynu u sacab tunno hadalkaa hablihii ka dhigay wax saylad lagu kala iibsanayo ee qiimaha waliba u jaray, ku darsoo hada hasha saylada la keenaa mararka qaarkood qiimaheedu ka badanyahay boqol iyo konton doolar.
Gar daranaa illayn hadii raggu isku garabsadaan hablaha! Hagaag baan doonaynaa iyo hooyaan habaaraynaa kala haab fogaa! Kali talisnimoba ilayn waa ta masaajidka taal!!
Waa hubaal oo marka ummad uu haleelo burbur akhlaaqeed, dhaqan iyo dhaqaale in garaadkeedu hoos u dhaco oo ay qiimayso wax aan qiimo badan lahayn. Waana dhab in odayaashu waxay ay doonayeen tahay inay ummadeena ka soo dabbaalaan ku foognaanta wax aan sii ridnayn oo ay ku khasaarayaan iyo inay ka soo qabtaan qarka haadaanta ay ka dhacayso. Waxaadse moodaa in xanuunka arintaasi ku haysay keenay waxoogaa deg deg ah oo runtii la fahmi karo, hal baase seegay oo ah in aan is bedel ku iman amar ku taaglayn iyo dadka oo lagu cabsiiyo habaar iyo Allaad kala dhimanaysaan.
Waxaynu u baahannahay waxa weeye in aynu dhalinteena lab iyo dhedigba barno garashada qiimaha aadamenimo, akhlaaqda iyo dhaqanka suuban ee qofnimo qiimaha ay leeyihiin oo aynu ka fujino garaadkooda la haysta guunyada oo qudha. Miisaanka noloshu maaha guunyo iyo waayaheeda is doorsha ee maalinba meel adag iyo mid debacsan taagan. Waa in aynu ka dhaadhicinaa dhalinteena in qiimaha nolosha ay ka mid yihiin garashada iyo aragtida mustaqbalka iyo qaabaynta raadka qof waliba kaga tagayo dunida iyo jawaabaha uu ula sii diyaar garoobayo maalinta aan wax kale manfaca lahayn qalbi saafiya mooyaane, kuna darsoo raadkaa ifka lagaga tagayo waxa ugu mudan durriyad suuban oo dadkooda wax tara noloshana aan marti u noqon.
Hadaba, odayaasha iyo culimada xeerkan u saxeexayba ma dhabbaa oo waxay si fiican u wada eegeen dhibta ka taagan dhismaha nolosha qoyska ee dalkeena mise waxay u hanqal taagayaan qormooyin cusub oo ay qudhoodu degaan oo waxani waa qiiq isku qarin!!
Waa hubaal oo hoos u dhac badan baa haysta guurka hase ahaatee ma la eegay dhibta haysata qoysaska dhisan iyo maalin walba inta dunta? Xisaabta ma ku darsadeen bal horta intaan kuwo kale la dhisin qoysaskan jira ee dumaya sidii loo badbaadin lahaa? Furriinka iyo kala irdhowga ma u fiirsadeen tolow? Waa su’aalo jawaabahooda laga sugayo bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan odayaasha iyo inteeda garashada dheer. Xalku waa ilaalinta waxa kuu dhisan iyo xaslashadiisa.
In la xadido meherka inan lagu guursanayo ama xoolaha gacaltooyo ee ehelkeeda loogu talo galay, waxay ka dhigantahay iyadoo meesha laga saarayo qiimihii qofnimo ee ay gabadhi lahayd iyo in lagu qasbayo in ay hankeeda ku riddo gudaafad, sabatu ay tahay si kasta oo kharashku u badanyahay waa wax Alle caddeeyay oo diinteenu qirtay in aan laga hor iman karin lana xadidi karin. Waa ta labaade qofba hayntiisa iyadoon laga tagayn ayaa Quraanka kariimka ahi ina farayaa in aynu si gobonimo leh ugu hurrno hantideena hablaheena waayo waa saldhigii nolosha waxa aan bixinaynaana maaha wax sinaba ugu dhigma qiimahooda qofnimo, waayo dee waaban la qiimayn karin. Culimadu markay Quraanka inoo fasirayaan waxay inoo sheegaan in ay jiraan aayado ina faraya in qof waliba hayntiisa si hagar lahaan ah ugu maamuuso haweenaydiisa. Kii wax badan hayaa waa gobanimee waa inuu wax badan u hurraa, kii Alle aanu wax badan u dhiibina waa in aanu ku masuugin wixii uu heli karo. Hadaba maxaa is badalay, ma culimada laftoodaa minyaro doon ah oo qodobo samaysanaya.
Arinta kalee la yaabka lihi waxa weeye culimadan iyo odayaashan isku raacay in la habaaro sodohaha oo waliba masaajidada dhexdooda laga habaaro, kaba sii darane waxay ku leeyihiin Alle waxaanu u baryi doonaa inuu lug iyo gacan ka jabiyo!! Halkaa miyaan eex iyo danbi waa marka koowaade ka muuqan, hablaha ma hooyooyin keli ah uun baa dhalay? Hadii la doonayo in waalidiinta wax kharibaya la toosiyo saw marka hore ma fiicna in aan wacdiga laga daalin, hadiibase daal yimi, odayaashii maxaa habaarka looga reebay miyaad u eexateen ragoow? Mise arrinkuba waxa weeye mar hadaanay masaajid imanayn sodohi habaarka iyada ha la saaro oo diinta ku baqe maala mar hadaanay idinla garanayn.
Sodoh! Sodohi miyaanay ahayn tii halka ugu sarraysa kaga jirtay inta dhaqankeena iyo dadnimadeenuba qiimeeyaan? Goormaa la gaadhay in sodoh lagu soo hadal qaado idaacadaha oo waliba iyadoo laga gar daranyahay la yidhaa Alle ha jajabiyo? Odayaasha midhkaa cadhoba ha ka keentee- waa hadii ay daacad yihiin oo aanay ka baqayn qarashka ku soo foolka lehe inamadoodee- culimadan masaajidada joogta ee markiiba makarafoonada la booday ee habaarka la soo fadhiyaa maxay u qaban waaweyeen, mise meeshu waa keli talisnimo iyo qudhoodoo xeelad kale maagan.
Arinkani muuqaalka uu leeyahay iyo marka la eego sida looga gaabsaday in si fiican oo waafiya loo darso dhibaatooyinka bulshada ee xaga guurka saw muuqan mayso in arrinku yahay xeelad odayaashu wataan oo ay ku doonayaa inay hablaha ku helaan sicirkii cadayga! habaarkan sodohaha lagu wadaana wax kale maahee waa odayaasha oo doonaya inay marwooyinkoodu hore ugu wada dhintaan oo ay iyaguna wada min yaraystaan
Comments are closed.