Hawlgaladii Budhcad Badeeda Somalida Oo Hoos U Dhacay

0
586

Hargeysa(Geeska)-Hoos u dhac ayaa ku yimid weerarka ay kooxaha budhcad badeedu u gaystaan maraakiibta shisheeye bishii hore ee November marka la barbar dhigo isla bishii hore ee November ee sannadkii 2010.

Macluumaadka laga helay ciidamada Midowga Yurub ee badweynta jooga ayaa muujinaya inay bishii hore ee November ee sannadkan 2011 dhaceen 12 weerar oo ay budhcad badeedu fuliyeen, halka bishii November ee sannadkii 2010 ay dhaceen 35 weerar. Waxaana hoos u dhacaas loo tirinayaa inay sabab u yihiin maraakiibta badweynta isaga gooshta oo hub qaatay si ay isaga difaacaan budhcad badeeda. Laakiin waxa la ogyahay inay budhcad badeeda Somalidu deegaanada Puntland ku haystaan ugu yaraan 200 oo ruux.

Ciidamada badda jooga ee Midowga Yurub waxay sheegeen in 12-kaas weerar ee bishii November ee sannadkan dhacay ay budhcad badeedu ku fashilmeen marka laga reebo hal weerar oo ay ku guulaysteen. Bishii November ee sannadkii hore waxa dhacay 35 weerar, waxaanay budhcadu ku guulaystaan toddoba hawlgal, waxaana halkaas ka cad in hoos u dhac ku yimid hawlgalada budhcad badeeda.

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay sannadka dambe maraakiibta calankeeda sita u ogolaan doonto inay qaataan hub ay budhcad badeeda iskaga difaacaan.