Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Rajada Ay Ka Qabaan Inay UDUB Iyo UCID Mar Labaad Noqdaan Xisbiyo Qaran

0
629

 

 

Hareysa(Geeska)-Labada guddoomiye ee xisbiyada UCID iyo UDUB Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay rajada ay ka qabaan inay xisbiyadoodu ku soo noqdaan saaxadda siyaasadda ka dib marka la galo doorashada goleyaasha deegaanka.

Labadan masuul oo siyaabo gooni gooni ah ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika,waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen inay xisbiyadoodu soo noqon doonaan. Ugu horayn Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah ku simaha guddoomiyaha UDUB, oo aanu weydiinay rajada uu ka qabo in UDUB soo bixi doonto marka la galo baratanka doorashada deegaanada, wuxuu yidhi “Xisbigani waa xisbi sal balaadhan oo aan ahayn qabiil, xisbigani waa xisbi ka kooban Somaliland oo dhan, waxanan filayaa in aan midhaha uu xisbigani leeyahay aanu xisbina lahayn,  insha allaahu tacaalaa qadarka illaahay waa halkeeda laakiin waxaan filayaa in aanay wax caqabad ahi na qabanayn.”

Geeska Afrika, wuxuu Axmed Yuusuf Yaasiin, wax ka weydiiyay shirar muddooyinkan dambe xisbiga u socday oo salka ku hayay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerkii xisbiga, wuxuu ku jawaabay in xisbigu go’aan ku gaadhay in la kala saaro murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga, waxaanu yidhi “Xisbigu xeer buu ahaa markii hore dhigaayay badalis iyo wax ku kordhin, shirkii aan qabsanay ee golaha dhaxe waxa la go’aamiyay in la sameeyo sal balaadhsi si wacan loo sameeyo oo xisbigu uu noqdo xisbi gooni  u taagan oo aanu ku milmin baritoole xukumada oo xisbi gudoomiyahiisii iyo ku xigeenadiisii oo dhan leh uu noqdo, xisbigu inuu musharax gaara yeesho iyo ku xigeen  kiisa, taasaa balan qaadkii golaha dhexe u igmaday guddida  fulinta, markaa bishan danboo dhan waxa lagu jiray sidii xeerkan looga shaqaynaayay, xeerkiibaa la soo gabagabeeyay maanta [shalay] ayay guddida fulintu soo gabagabaysay sidaasuu ku dhaqan galay si kumeel gaadh ah inta shirweyna la gaynaayo.”

Mar la weydiiyay goorta la dooranayo murashixiinta, wuxuu yidhi “Taasi waa ajande danbe oo taas maantaan ku talo galnay taasina waxa ay soconaysaa ilaa wiig, markaa kolba sidii aan u dhigno ayay noqonaysaa laakiin waxa muhiima in xeerkii golaha fulintu ay ansixiyeen oo la kala qaaday gudoomiyahii xisbiga iyo musharaxii xisbiga.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayuu Wargeyska Geeska Afrika isna weydiiyay su’aal ahayd rajada uu ka qabo inay UCID ku soo noqoto saaxadda siyaasadda, waxaanu yidhi “ UCID iyadoo intan ka yar oo dalkana aanaan aqooninbaa illaahay guushii na siiyay oo ay soo baxday, maantana ururada la furay qofkasta waa la yaqaanaa oo urur furtay, UCID-na waa la yaqaanaa, markaa waxay ila tahay shirkad yar oo imika dhalanaysa iyo shirkad toban sano jirtay qof kastaa waxa uu maal gashanayaa ta tobanka sano jirtay, markaa Ucid wax wal-wala kama qabto inay dhacayso, sababtuna waxa weeye Ucid intii foodka siisay wali anaga waa ay noo guntantahay, cid aanay maanta taageerayaasheedu leex leexana anagaa jirna. Markaas  anagu in aan taageerayaashayada taageerayaal ku soo darsano mooyaanee insha allaah waxba naga tagi maayaan, markaa rajo boqolkiiba boqola ayaan qabnaa.”

Si kastaba ha ahaate, marka ay dhawaan dalka ka qabsoonto doorashada goleyaasha deegaanadu ayaa la arki doonaa saddexda xisbi qaran ee soo baxa.