Markii Uu Shaqo Ku Waayey Takhasuskiisa Caafimaadka Ilkaha Ahaa Ayaa Inta Uu Shahaadadii Ku Hor Gubay Wasaaradda Caafimaadka Uu Tahriib U Xidh-Xidhay

0
689

1Muhana’ Al-Canasi oo ah dhakhtar dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Sucuudigu marnaba ma’ uu filayn in waxbarashadii sannadaha badan ahayd ee adka u adkayd marka ay dhammaato uu shaqo ku waayi doono shahaadadiisa takhasuska caafimaadka ilkaha ah, muddo laba sano ahna shaqo la’aan isaga dhex joogi doono dalkiisa, laakiin markii ay taasi ku dhacday waxa uu kaga jawaabay in uu shahaadadiisii jaamacadda soo qaado in uu dadweyne tiro badan hortooda ku gubo, kadibna shandadihiisa u xidhxidhay tahriib shaqo raadis ah.

Dr. Canasi ayaa Axaddii 15ka bishan May waxa uu shahaadadiisa jaamacadda ku hor gubay dhismaha wasaaradda adeegga madaniga ah iyo caafimaadka ee dalka Sucuudiga, oo uu ku eedeeyey xad-gudub in ay ku samaynayso muwaadiniinta shaqo doonka ah, muddo laba sano ah oo uu shaqo raadis ahaana uu kala kulmay dulmi.

Dhakhtarkan oo la hadlay wargeyska Huffington Post oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa kii ugu adkaa ee uu illaa hadda qaatay noloshiisa oo dhan, waxa aanu sheegay in dhibtu aanay ahayn dalkiisa ama jaamacaddiisa balse ay tahay nidaamka maamul iyo shaqaalaysiineed ee dalkiisa iyo in badan oo dalalka dunida ahba ka jira.

Dr. Canasi waxa uu sheegay in uu quus ka istaagay in uu sifo xalaal ah shaqo kaga helo dalkiisa, iyo shaqooyinka asal ahaanba soo baxaya oo aad u yar, iyada oo ay mararka qaarkood dhacayso in 3 dhakhtar oo ilkaha ah loo baahdo laakiin tartanka ay galaan dhakhaatiir ka badan 700. Marka laga tago nidaamka shaqaalaynta oo xad gudubyo ku jiraanna ay u dheer tahay dadka ajaanibka ku ah dalka Sucuudiga ee xirfaddan iyo xirfadaha kale ee muwaadiniintu qaban karaan haya oo aan fursaddii looga qaadayn muwaadinka dalku ku soo tabcay.

Gubista shahaadadan oo uu Dr. Canasi ka duubay muuqaal kadibna soo dhigay barta uu ku leeyahay bar-kulanka bulsho ee twitter ka ayaa dood badan ka dhex dhaliyey muwaadiniinta Sucuudiga, waxaana bilowday ol’ole internet ka ah oo loogu magac daray, #Dhakhtar_Gubaya_Shahaadadiisii kaas oo arrimaha ugu muhiimsan ee dadku ku soo bandhigeen ay ka mid tahay shaqaalaysiinta dalka oo gashay weji iyo garasho iyada oo dhinac la iska dhigayo sharcigii shaqaalaysiinta ee muwaadiniintu u sinnaayeen.