Markab Xoolo Ka Qaaday Dekedda Berbera Oo Uu Sucuudigu Xayiray, Somaliland Oo Ka Hadashay Iyo Dawladda Soomaaliya Oo Olole Ka Wada Riyaad

0
952

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in Markab xoolo nool ka qaaday dekedda Berbera uu ku xayiranyahay dekedda Jidda ee dalka Sucuudiga, iyadoo ay dawladda Sucuudigu ku xidhay shuruud ah in markabkaasi uu warqad ogolaansho ah ka soo qaato dawladda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xoolahan oo tiradooda lagu sheegay 20,000 oo neef waxa markabka sida ay dawladda Sucuudigu ku amartay inuu dib ugu soo celiyo xoolahan dekedda Berbera, waxaana loo jaray waraaqdii uu ku soo dhaqdhaqaaqi lahaa, hase yeeshee ganacsato Sucuudig ah iyo Baanka Islaamka ayaa dedaal ugu jira in markabkan la sii daayo oo xoolaha aan dib loogu soo celin dekedda Berbera, waxaana markabka oo taagan badda loo geeyay caws iyo biyo lagu quudiyo xoolaha uu markabku sido.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo kalluunka ee Somaliland Xasan Gaafaadhi oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa isagoo ka hadlaya markabkan iyo xoolaha uu sido ee xayiran wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya inay Wasiirkeeda xoolaha u dirtay Sucuudigu si uu uga hawlgalo in markabkaas lagu soo celiyo Berbera, waxaanu yidhi “Waxaad ogtihiin in afar habeen ka hor markab xool sidaa uu ka dhoofay dekeda Berbera isaga  oo ku sii jeeda dekeda Riyaad ee Sucuudiga, markabkaasi waxa uu ku tagay dalab uu baankii aduunka ee xoolaha qaadan jiray moosimka xajka uu yidhi xoolahaas ha la soo daayo, isaga iyo nimankii carbeed ee xoolaha iibsan jirayba, oo ay bixiyeen damaanada dajinta xoolahaas, markabku sidaas ayuu ku dhoofay, dawlada Muqdisho markii ay maqashay in markabkaasi uu dhoofay duulaan balaadhan ayaa la qaaday ilaa wasiirkii xanaanada xoolahu waxa uu u dhoofay Riyaad, waxaanu culays weyn iyo dagaal uu saaray in markabkaas aan la rogin, waxaanu gaar ahaan ula soo hadlay raga leh maxjarada dalka ku yaala isaga oo ku hanjbaaya in aanay xoolo warqada Muqdisho sidan aanay ka dagi doonin dekedaha Sucuudiga, markabkaasi ilaa hadda waxa uu taagan yahay Jidda, wali xaaladiisuna waxay ku sugan tahay labay u dhaxaysaa, Baankii iyo nimankii Carbeed waxay aad iyo aad uga dagaalamayaan in xoolahoodaas la celiyo wasiirkaas ka socda dawlada Muqdishana waxa uu dagaal ugu jiraa inaan xoolahaas la dajin.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Xaalada uu markabku ku sugan yahay waa sidaas, xukuumad ahaan waxaan rabaa inana shacbiga u sheego in go’aankii xukuumada iyo ganacsatada Somaliland ee ahaa inaan warqad aan ahayn warqada Somaliland in aan lagu dhoofin doonin xoolo, waad ogtihiin in aanay dawlada fedaraalka ah Berbera iman karin oo aanay ruqsad samayn karin,cid Xamar tagtaana aanay Berbera waxba ka rari karin, laakiin waxay ku tusaysaa colaada ay xukuumadaas Muqdisho aya shacbiga iyo xukuumada u hayso waxaana inala gudboon inana dareenkaas lahaano.”

Ugu dambayn wuxuu wasiirka Somaliland yidhi “Waxaan ku wargalinayaa shacbiga Somaliland iyo dadka xoolaha dhoofiyaba meelkasta oo xuduud ah oo ay xoolo maraan waxa lagu dhaqayaa sharciga Somaliland waxaana ka mid ah xadka Lawyacado waxa alle iyo waxa xoolo halkaas maraa waxii cashuur ahaa ee laga qaadi jiray xoolaha dekeda Berbera ka dhoofaya ayaa laga qaadayaa haday caafimaadin, cashuur iyo khidmadkaleba, waxaanan u sheegaynaa xoolahaasi markay Somaliland xadkeeda ka talaabaan in aanay dib ugu soo noqon doonin, xoolahaas waxa loo aqoonsanayaa xoolo dhoofay oo dal kale u dhoofay sidaas darteedana aan la ogolaan doonin in xoolahaasi ay dalka dib ugu soo noqdaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here