Biixi Iyo Farmaajo: Midkee Ku Guulaysan Doona Dagaalka Siyaasadda Arrimaha Dibadda?

0
793

Hargeysa(Geeska)-Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran.

Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhiArintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la

leedahay  Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.”

Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here