Marka Mihnaddu Aadamenimada Disho: Saxafiyad Waraysi La Yeelatay Nin Naftu Ka Sii Baxayso

0
664

1San Salvador (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey cadho iyo doodo kulul oo la xidhiidha sida la isu waafajin karo bani’aadamnimada iyo mihnadda abuuray muuqaal Fiiyow ah oo ay baahisay haweenay warfidiyeen ah oo ka tirsan Talefishanka TVO Noticias oo xaruntiisu tahay dalka El Salvador, kaas oo muujinaya gabadhan oo waraysi ka qaadaysa nin shil gaadhi six un ugu dhaawacmay oo daqiiqadihii u dambeeyey ee noloshiisa ku jira.

Arrintan oo daafaha dunida oo dhan dooddeedu gaadhay ayaa dad badan dareen jidhidhico oo bani’aadamnimo ku abuurtay markii ay arkeen ninkan oo inta ay gabadha warfidiyeenka ahi gacanta sameecadda u soo dhoweysay afkiisa uu ku odhanayo, “Gaadhi ayaa I jiidhay, dhib badan ayaanan dareemayaa” markale ayaa ay gabadha wariyaha ahi dhaibbanahan ku celinaysaa su’aal la xidhiidha bal in uu arkayey gaadhiga jiidhay, waxa aanu si dirqi ah ugu jawaabayaa, “Maya” waxa se yaab leh in ay mar kale haddana ku celinayso su’aal weliba ah tii ugu dareenka xumayd oo ay ku weydiinaysay bal in uu u baahan yahay in gurmad caafimaad loo fidiyo, “Ma doonaysaa in cisbitaal lagu geeyo?” ayaa ay gabadhani weydiinaysaa ninkan dhibbanaha ah, laakiin bilowgii wax aan taah ahayn waa uu ku jawaabi kari waayey, cabbaar yar markii uu aamusnaa ayaanu si aad u daciif ah u yidhi, “Cisbitaal”

Sida wararku sheegeenna isla daqiiqaddaas uu cisbitaalka sheegay ayaa uu geeriyooday ninkan oo dhaawac culusi ka soogaadhay gaadhigan jiidhay. Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey wargeyska Daily Mail ayaa intaas ku daraya in arrintani ay cadho badan ku abuurtay dadka arrimaha bani’aadannimada u dooda iyo guud ahaa shucuurta dadyowga dunida, su’aalna gelisay illaa xadka laga rabo in ay ku joogsato u hagar bixista mihnaddu si aanay uga gudbin xadka insaaniyadda.