Hargeysa (Geeska)- Waa run oo shaqadu waa sharaf. Marka laga tago in ay tahay il dhaqaale oo uu qofku kala soo baxo wahsiga, niyadxumada iyo xaalado badan oo nafsadeed. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in ay shaqadu tahay dawo aan wax ceeb ah lahayn. Marar badan ayaa ay iyadu keentaa xaalado nafsadeed ama ay sababtaa dhaawac iyo xanuun jidhka soo gaadha. Cilmibaadhiso ay sameeyeen xarumaha xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in xaaladaha shaqada dhibta badani keento ay ka mid yihiin dhiigkarka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.
Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha shaqada culayska badan ama aanu qofku niyad ahaan xiisaha u qabin.
Dhabar xanuunka
Shaqooyinka culusi waxa ay marmarka qaarkood sababaan dhabar xanuun, tusaale ahaan qofka oo doonaya in uu shaqada hore u dhammeeyo ayaa sababta ama qofka oo marka hore aan garanayn ama aan la barin habka ugu habboon caafimaad ahaan ee ay tahay in uu shaqada culus u qabto.
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in ay lagama maarmaan tahay in qofka shaqada culus iyo xamaalnimada ku xoogsadaa uu 30 kii daqiiqo ee kastaba mar nasto. Waxa kale oo muhiim ah in uu is baro jimicsiyada fudud ee socodku ka midka yahay.
Jidh xanuun
Noocyada shaqo qaarkood ayaa sababi kara dhaawac iyo xanuuno ku dhaca maqaarka, waxaa ka mid ah shaqooyinka la xidhiidha arrimaha kiimikada, sida warshadaha, dawooyinka iwm, kuwaas oo haddii ay jidhka gaadhaan sababa in maqaarku gubto ama madow dahaadh sare ahi uu fuulo. Qofka oo muddo dheer qorrax ku dhex shaqeeyaana waxa uu halis u yahay cudurka Kansarka noociisa maqaarka ku dhaca.
Dadka ka shaqeeya rinjiga, shaqooyinka dhismaha, shaqada madbacadaha, iwm, waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay muhiim tahay in qofka shaqaalaha ahi feejignaan dheeraad ah muujiyo si uu u ilaaliyo caafimaadka maqaarkiisa.
Bog dillaaca
Dadka ka shaqeeya shaqooyinka muruqmaal ee culayska u badan, sida dadka xammaalnimada ku shaqaystaa waxa ay khatar u yihiin in uu ku dhaco cudurka bog-dillaacu. Dadka xanuunkan khatarta u ah waxaa ugu badnaa kuwa sigaarka nuuga iyo buurnimada oo iyaduna keenta. Waxa kale oo uu bog dillaacu ku dhacaa dadka cuna cuntooyinka aan caafimaad ahaan fiicnayn. Bog dillaacu waa xuubka caloosha haya oo dilalaca, kaddibna caloosha ama midhicirad hoos ugu dhacdo qaybo ka mid ah caloosha, ama meelaha kale ee daciifka ka ah ama ay ku yar yihiin muruqyadu.
Kabuubyada gacmaha
Marka uu culays ama cadaadis badani ku dhaco gacanta waxaa ku dhacda xaalad afka ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Carpel Tunnel Syndrom’ oo ah in qofka ay gacantu si xad dhaaf ah u xanuunta. Calaamadaha xaaladdan lagu garto waxaa ka mid ah kabuunbyo ama xanuun la moodo in irbad lagu taagayo, oo gacanta lagu arko.
Xaaladdan oo sida oo kale isticmaalka badan ee kombiyuutarku keeno, waxaa lagu arkaa farta far-dhexada iyo suulka. Calaamadahani waxa ay ku bilowdaan dareen aan badnayn oo habeenkii uu qofku isku arko. Laakiin waa uu sii kordhaa, oo gacanta oo dhan ayaa uu ku wada faafi karaa.
Khilaaf qoys
Shaqadu waxa ay qofka ku keentaa daal, niyadxumo iyo marmarka qaarkood in uu jeclaado in aanu xarakaad samayn ama aanu jeclaysan dadka sheekadooda. Shaqadu waxa ay wanaajisaa nolosha qoyska, haddana waxa ay khatar ku tahay farxaddooda. Waxa ay dishaa xidhiidhka fiican ee lammaanahan oo inta badan ay sababto in ay waqti isu waayaan. Marar bandanna shaqada ayaa sabab u noqota burburka qoysas badan.
Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in mar kasta oo ay shaqadu guriga ka fogaato, in ay sii korodho khatarta ay shaqadaasi ku tahay qoyska. Tusaale ahaan cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda Really Simple ayaa lagu ogaaday in u socoshada shaqadu ay dhibaatadan sii kordhiso. Boqolkiiba 40 dadka shaqada oo ka yara durugsan maalin kasta ku taga socod 45 daqiiqo iyo ka badan ah, waxa ay inta badan furniinkoodu ka yar yahay kuwa la midka ah ee shaqadu ku dhowdahay gurigooda. Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu caddeeyeen in shaqooyinka qaar ay khatar ku yihiin caafimaadka, qofkana ku keenaan buurni, wadne xanuun iyo dhabar xanuun.
Hurdadaada ha sadqayn
Haddii shaqadaadu qayb ahaan ku xidhantahay farriimaha Emailka la isku dhaafsado, iska jir in aad Email kaaga furto habeenkii. Waxaa marar badan dhacda in farriin email laguugu soo diray ay saamayn ku yeelato dareenkaaga, waa ay dhacdaa in ay hurdo la’aan sababto, ama khalkhal geliso habsamidii uu qofku u seexan lahaa. Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay caddeeyeen in qofka oo habeenkii si fiican u seexan waaya ay ku keento baruur saayid ah oo fuusha, cudurka macaanka iyo xanuunno kale.
Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in laga fogaado ilayska taleefanka iyo shaashadaha talefishannada qaarkood, oo bixiya ilays nooca ‘Blue light’ afka qalaad lagu yidhaahdo ah oo qofka aad u eega hurdada ka kaxeeya. Sababtuna waa in uu la mid yahay ilayska maalintii, sidaa awgeed uu khalkhal gelinay saacadda bayoolojiga ah, oo uu maskaxda moodsiinayo in la joogo maalinnimo ama aan weli waqtigii hurdada la gaadhin.
Ilayska taleefanka gacanta ee casriga ahi, waxa uu carqaladeeyaa hormoonka Melatonin ee qaabilsan nidaaminta hurdada. Waxa ay khubaradu ku talinayaan in habeenkii wax lagu akhristo ilayska aan aadka u badnayn.
Sakati iyo cabsi aan dawo yeelan
Haddii aad ka shaqaynayso shaqo aanad jeclayn. Maalin kasta oo aad shaqo tegeyso waxaa warwar kugu haynaya ama culays nafsi ah aad ka qabaysaa kulamada shaqo ee aad la leedahay maamulahaaga shaqada. Cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Pittsburgh ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in keliya in maskaxdu ay ka fikirto doodaha adag iyo hadallada qallafsan ee ay kala kulmi doonto maamulaha shaqado ay tahay calaamad muujinaysa in qofkaasi sakati iyo cabsi nafsadeed qabo. Cabsida noocan ahi waxa ay firfircooni gelisaa hormoonka Cortisol iyo Noradrenaline oo khatar ku ah caafimaadka jidheed iyo maskaxeed labadaba.