Marka Aad Imtixaanka Waraysiga Ah Ee Shaqada Gelayso, Iska Ilaali Qaladaadkan Aadka u Dhaca (Q:1aad)

0
1041

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu ku soo qaadanaynay qaladaadka ugu badan ee uu qofka shaqa-doonka ahi galo maalintaas muhiimka ah ee dadka shaqaalaysiinayaa ay weydiinayaan su’aalaha ama uu la yeelanayo kulanka ay su’aalaha imtixaanka ah ku weydiinayaan:

3. Iska jir in aad eedo u jeediso maamulahaagii hore: Waxaa hubaal ah in aanu qofna jeclayn ruux af xun ama si aan anshaxa fiican waafaqsanayn wax uga sheega guud ahaan dadka, gaar ahaanna madaxda shaqada ku maamusha. Muddada aad waraysiga ku jirto waxa aad niyadda ku haysaa in aan la jeclayn ruuxa xumaanta dadka kale ka warama, sidaa awgeed waxa aad ku dadaashaa in muddada aad wararysiga ku jirto aad carrabkaaga ka dhowrto aflagaadada iyo eedaynta dadkii aad hore u soo wada shaqayseen ama aad u shaqayn jirtay, ka dheeroow in aad wax xumaan ah ka sheegto maamulahaagii hore, xataa haddii ay run tahay in uu ku xumeeyey. Ku ekow ereyo dhex dhexaadnimo iyo anshax ka muuqdaan, haddii kale waxaa lagaa qaadanayaa faham ah in aad tahay ruux aan lala shaqayn karayn ama in la raalli geliyaa ay adag tahay.

4. Kalgacalka Saayidka ah: Qof kastaa waxa uu jecel yahay in fahamka koowaad ee dabeecaddiisa laga qaadanayaa uu noqdo mid wanaagsan oo dadka soo jiita, laakiin iska jir in aad ku talax tago dadaalka aad ku doonayso in aad ku soo jiidato qalbiga dadka aad u shaqayn doonto ee su’aalaha tooska ah kula leh. Ha isku daalin in aad qofkan tusto inaad tahay ruux kalgacal badan oo aad u dhibirsan. Waa sax in aad ku dadaasho in qofkan aad mar kasta ugu yeedho, “Mudane/Marwo” iyo ereyo ixtiraam ku jiro, ula macaamil si deggen oo anshax iyo akhlaaq fiicani ka muuqato, iska jir in aad isku daydo in kulankan aad ka muujiso furfurnaantaada iyo in aad tahay ruux kaftan badan. Ku dadaal in aad mar kasta ahaato qof aan dhayal iyo kaftan u jeedin, jawaabahaaguna ha noqdaan kuwoo si toos ah u beegsanaya su’aalaha lagu weydiinayo oo aan araar dheer lahayn.

5. Ka fogow hadalka badan: Waxaa fikir qaldan oo dad badani aamineen ah in waraysiga laguula yeelanayaa dhammaantii uu adiga kugu wada saabsanayn. Kulanka waraysigu waa fursad aad adiga qudhaadu xog dheeraad ah kaga heli karto shirkadda ama hay’addan laga yaabo in aad shaqaalaheeda ka mid noqoto. Sidaa awgeed naftaada waa in kulanka ka hor aad ku tababarto oo aad u sii diyaariso in aad qudhaadu su’aalo anshax ku dhisan weydiiso cidda waraysiga kula leh. Si fiican u dhegeyso ruuxa waraysiga kaa qaadayaa, marka uu kuu sharraayo shirkadda ama hay’adda, qaabka ay u shaqayso, iyo himiooyinkeeda, markaa kadib su’aalo aad u kooban oo arrintan lafteeda ku aaddan weydii. Laakiin iska jir in aad hadalka badiso ama su’aalo aan kala joogsanayn aad dabada isugu qabato, waayo waxaa lagaa fahmayaa fikir ah in aad tahay ruux hadalkiisu uu ka badan yahay waqtiga uu dhegeysiga siiyo.

Iska jir arrimo uu qofka ku waraysanayaa dhaqso u fahmi karo in aanad xog fiican ka haynin ama warka aad ka haysaa qaldan yahay, si aan laguugu qaadan af-miishaar, iyo ruux jecel in uu wax kasta isagu ka arrimiyo, ama jaahil isu haysta in uu wax kasta yaqaanno. Dhammaad