Mariska Shaglaydhka Leh Ee Nutella Oo La Ogaaday In Uu Leeyahay Khataro Caafimaad Darro

0
739

London (Geeska)- Haddii aad tahay dadka jecel Shaglaydhka Nutella ee isticmaalkiisu dunida oo dhan caanka ka yahay, marka aad warkan akhrido waxa aad ku qasbanaan doontaa in aad dib ugu noqoto aragtidii aad ka haysatay, ama waa aad iskaba joojin cunistiisa. Haayadda badqabka cuntada ee Midowga Yurub ayaa warbixinteedii ugu dambaysay ee caafimaadka iyo cuntada ay kaga hadlaysay waxa ay ku sheegtay in saliidda loo yaqaanno Sayt-Nakhiil oo ah ta sababta u ah jileeca Nutella u ucaankaku yahay, ay sabab u noqon karto in ay kansar sababto.

Warbixinta uu Geeska Afrika turjumay oo uu qoray wargeyska Daily Mail wawxa ay xaqiijisay in haayadda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobey qudheeduna ay hore shaki caafimaad darro oo kan la mid ah ugu sheegtay mariska Nutella.

Shirkadda Ferrero SpA laga leeyahay dalka Talyaaniga ahna shirkadda soo saarta Mariska Nutella ayaa warbixintan kadib bilowday ol’ole ballaadhan oo ay xoogga ku saarayso in ay dadka dhacsiiso in sayt-Nakhiil ka (Saliidda Timirta) ay u isticmaasho samaynta Nutella ay tahay mid ay hubto in aanay wax dhibato ah gaadhsiinayn caafimaadka. Waxa aanay ku doodday in saliiddaas isticmaalkeeda aanay joojin Karin, maadaama oo ay tahay shayga sababay in Nutella ka fiicndaado lagaa jeclaado Marisyada kale ee dunida la midka ah.

Waxaa xusid mudan in Saliidda timirta laga miiro ee (Sayt-Nakhiil) ay tahay saliidda ugu jaban saliidaha dunida yaalla, laakiin marar kala duwan ayaa laga halday dhibatooyin caafimaadoo isticmaalisteeda ka dhalan kara.