Margaret Thatcher Oo Geeriyootay

0
501

Picture1Waxa magaalada London shalay ku geeriyootay Raiisul Wasaarihii hore ee Britain, Margaret Thatcher oo da'deedu ahayd 87 jir, kadib markii xididada maskaxda dhiigga ku shuba ay istaageen, sida uu sheegay Afhayeenkeeda.

Margaret Thatcher oo caalamka ka ahayd xubin muhiim ah muddo toban sano ka badan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaysay.

Afhayeenkeeda Lord Bell waxa uu yidhi: "waa murugo weyn in Mark iyo Carol Thatcher ay ku dhawaaqaan in hooyadood Baroness Thatcher ay si nabad ah u geeriyootay markii uu ku dhacay cudurka faaliga  shalay.”

Baroness Thatcher waxa ay ahayd Raiisul Wasaare ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee dalkaas sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990.

Waxa ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagadaasi Raiisul Wasaaraha UK.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.

Waxa ay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalka.