Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Ka Adkaado Maamulista Xafiiskiisa, Iskana Mooso Dadka Ku Xeeran Ee Magaciisa Dilaya

1
587

Picture3Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay in uu xafiiskiisa ka adkaado meeshana ka saaro dad uu ku tilmaamay in ay maamulkiisa biyo dhicinayaan.

Sida oo kale waxa uu golaha wasiirada ugu baaqay inay dhawraan sharafta iyo mansabka ay hayeen iyo karaamada dadka iyo dalka oo aanay isaga yaacin meesha ay doonaan isla markaasna aanay ku faanin wax aan qiimo lahayn.

Waxa uu sidan ku sheegay Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayay xus loo sameeyay ku dhawaaqitaanka SNM oo shalay Hargeysa lagu qabtay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Marka la yidhaado shirbaa la tagayaaba waa aynu yaacaynaa inaga oo aan waxba ka fikirin, intaas loo socdaan waxa weeye in la yidhaado mucaawino ayaa layna-siinayaa halkaas ayuu qadhiidhku ku jiraa alle ayaa risaqa haya oo markii uu afka inoo jeexay inoo diyaariyay waxii aynu cuni lahayn. Marka Somaliya laysku keen cidhidhyaba waxa ka dhalanaaya waa dagaal oo dad ayaa inagaga dhimanaaya  dadkaas inagaga dhimanaayana lama qadarinaayo ee xoogaagaa laynoo qadhiidhayo ayaa la danaynayaa waa nasiib darooyinka dalkan haysta.”

Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Baritoolana waxaad maqli doontaan Xasan Sheekh oo leh intii inaga dhimatay magtoodii Imaaraadka ka qaata waa waxyaabaha aadka nusqaanta inoog ah, ma dadkeenii dhintay ayaynu dhiigooda iibsanaynaa oo dilaalaynaa oo wax aad ka garoocataan aynu arintaas u yeelaynaa waa nasiib daro weyn.”

Isagoo Maxamed Xaashi Cilmi, la hadlaya Madaxweynaha wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay madaxweynaha xafiiskaaga ka adkoow oo waxan ku hoos yaacaya si iska dheh, magaciisa iyo ka dalka iyo ka dadkaba waa ay baabiinayaan, waxay ku faanaan meel wanaagsan ayaa nala fadhiisiyay, waa nalaga hor yimi, roog cas ayaa naloo dhigay, waxasi ma hadal baa, ta meesha ku jirtaa waxay tahay madaxdu sharafteeda ha ilaaliso oo ta dadka ay huwanyahiin iyo dalka ha ilaaliso, waa iga dardaaran.Qulqul ayaynu hada ku soconaa, maamul xumadii waa ay badatay ee sidan haysku dhaamaan madaxda dalka maanta ka talisaa.”

Comments are closed.