Madaxweynaha Kenya Oo Maanta La Caleemo Saarayo

0
583

Nayrobi(Geeska)-Waxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya maanta lagu dhaarinayaa Madaxweynaha cusub ee Kenya iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta iyo William Ruto, waxaana xafladda dhaarintoodu ay ka dhacaysaa garoonka kubadda ee magaaladaas ugu weyn.

Inta badan madaxweynayaasha Afrika ayaa lagu martiqaaday inay ka qayb galaan xafladaas oo lagu dhaarinayo madaxweynihii afraad ee ay Kenya yeelato tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska. Madaxweynahan ayaa lagu doortay doorashadii bishii March ka dhacday dalkaas, waxaana madaxweynaha sugaysa dacwad kaga socota maxkamadda caalamiga ah oo la xidhiidha dhiigii ku daatay natiijadii doorashadii 2007 oo ay shacaka reer Kenya isku dileen. Laakiin dad badan ayaa aaminsan in dacwadaasi soo idlaan doonto, mar haddii Madaxweyne loo doortay masuulkan ay dacwadda ku soo oogtay oo isagu hore u beeniyay eedaymaha loo haysto.