Imtixaankii Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare Iyo Dhexe Oo Maanta Si Rasmi Ah U Bilaabmaya

0
603

Picture2Hargeysa  (Geeska)-Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee 2013-2014 oo kale la qabto ayaa si rasmiya Maanta dalka uga bilaamaya, iyada oo Imtaaxankan laga qaadi doono ardey aad u badan.  Imtaaxanka Shaahadiga ah oo ay Maanta u fadhisanayaan Ardeyda ka qalan jabinaya Fasalka Afraad ee Dugsiga sare iyo Ardeyda ka qalan jabinaya Fasalka Siddeedaad ee Dugsiga dhexe ayaa waxa ay iskugu jiraan Dugsiyada Dawladda iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu maalmo ka hor si toos ah u sheegtay wakhtiga rasmiga ah ee la galayo Imtaxaanka ayaa sheegtay in diyaarinta Imtaxaanka Shaahiga ah oo inta badan la dhalieli jirey diyaarintiisa, inay Sanadkan taxadir aad u badani ka  muuqdo, , waxa kale oo ay tilmaamtay inay aad uga fiirsadeen kana taxadireen Imtaxaanka iyo ilaalintiisa.

Waxaanay wasiir Samsam sheegtay in dhammaan gobalada iyo degmooyinka Somaliland uu imtixaanku ka qabsoomi doono.