Maraykanka Oo Faahfaahin Dheeraada Ka Bixiyey Askarigii Lagaga Dilay Soomaaliya

0
476

Virginia (Geeska)- Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay askarigii dhowaan lagaga dilay hawlgal ay wada jir Soomaaliya uga fulinayeen ciidamo Maraykan ah iyo ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda difaacu waxa ay sabtidii shalay sheegtay in askari 38 sano jir ahaa oo ka tirsanaa ciidamada badda ee sida gaarka ah u tababaran khamiistii lagu dilay hawlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab oo dhacay Soomaaliya.

Warkan wasaaradda difaaca waxaa lagu sheegay in askarigan oo lagu magacaabo Kyle Milliken, uu ka tirsanaa ciidamada badda, Navy SEAL, saldhiggiisuna ahaa taliska Virginia Beach.

Warkan ayaa sheegaya in askarigani uu noqonayo kii ugu horreeyey ee tan iyo sannadkii 1993-kii ku dhinta iskahorimad ka dhaca Soomaaliya.

Dhinaca kalana warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in afhayeen jimcihii dorraad u hadlay wasaaradda difaacu uu caddeeyey in ciidamado Maraykan ah oo hawlgallo gaar ah fulinayaa ay la kulmeen rasaasayn, kadib markii diyaarad kuwa ciidamada ah oo Maraykanku leeyahay ay xoogag Soomaali ah geysay goobtii bartilmaameedku ahaa.

War kale oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska USA TODAY ayaa isna lagu sheegay in askarigan la dilay uu ahaa sarkaal ruugcaddaa ah oo ak tirsanaa ciidamada hawlgallada gaarka ah fuliya, waxa aana la dilay xilli uu qayb ka haaa hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo 5tii May laga fuliyey meel miyi ah oo magaalada Muqdisho 64 kiiloomitir u jirta.

War ka soo baxay Taliska Afrika ee ciidamada Maraykankana waxaa lagu sheegay in xoogag ka tirsan ciidamada Maraykanku ay Soomaaliya u joogaan hawlo latalineed iyo in ay milateriga Soomaaliya ka caawiyaan hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka Maraykanka ee AP u sheegay in ciidamada Maraykanku ay weerareen guri xarun u ah idaacad ay Al-shabaab leedahay ee Andalus, meel u dhow tuule lagu magacaabo Dare-Salaam.

Wakaaladda wararka Alshabaab ee lagu magacaabo Shahaada ayaa iyaduna sheegtay in Al-Shabaab ay iska caabbiday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka, meel ka mid ah gobalka Shabeellaha hoose. Al-shabaab waxa ay sheegatay in ay tiro askar ah oo aanay caddayn ka dileen kana dhaawaceen Maraykanka.

Dhowaan ayaa uu madaxweynaha Maraykanku wasaaraddiisa difaaca u fasaxay in ay fidiyaan hawlgalladooda Soomaaliya, iyo in iyaga oo aan madaxwdeynaha ogolaanshiyo ka dalban ay weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab u adeegsan karaan diyaaradaha dagaal.