Wasiirka Qorshaynta Oo Furay Shirka Dhammaadka Qorshaha 2aad Ee Horumarinta Qaranka

0
537

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire) ayaa furay shir lagu shaacinayey dhamaadka qorshaha labaad ee horumarinta qaranka oo ka qabsoomay Hotel Mansoor ee magaaladda Hargeysa.
shirkan waxa ka soo qaybgala Wasiiro, Agaasimayaa. Mareeyayaal iyo xubno ka kala socday Wasaaraddaha iyo hayadaha kala shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta diyaarinta qorshaha labaad ee horumarinta Qaranka.

Furitaankii kulankan ayuu Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire) waxa uu dareen farxadle kaga falceliyey dhamaadka qorshaha labaad ee horumaritna qaranka waxaanu yidhi

“Rntii waa inoo guul waana inoo farxad maadama qorshihii labaad ee shanta sano ee qaranku uu dhamaad yahay kaasoo  aynu soo wadno ilaa 11kii bilood ee aynu soo dhaafnay kana soo  shaqeeyeen hawlwadeenadda Wasaaraddu. Jaran jarooyin badan ayuu soo maray aad iyo aad ayaanu idinku amaanaynaa wasaaraddaha ka qaybqaatay waliba qolooyinka sida aadka noogala shaqaynayey.”

Wasiirka Qorshayntu isagoo faahfaahin ka bixinaya aragtida fog ee higsiga horumarinta dalka waxa uu sheegay” Qorshaha horumarinta ee Qaranku jaran –jarooyinkaa aynu ka sheekaynay ayuu soo maray marka hore aragti waxaynu lahay  aragtida fog ee ilaa 2030 ka shan rukun ayuu ahaa shantana rukuna waxa ka farcamayey 9 qaybood. “ waxaan filayaa intiina badani waad ka warhaysaan koley faalooyina waad ka soo bixiseen imikana waynu isla eegi doona laakiin maanta waxa uu noqonayaa kii ugu danbeeyey ee aynu isla eegno oo aynu go’aansano inayn sidii ku sii dayno dayno wax badana waa laga filayaa, caalamkuna wuu inaga sugayaa”

Wasiir Qabyo tire mar uu dawladda ingiriiska ugu mahadnaqayey horseedka deeq maaliyadeed ay ku caawinayso wajiga labaad ee Mashaariicda laga maalgaliyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2 ayaa waxa uu yidh“   Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dawaladda ingiriiska oo iyadu deeqdii ugu horeysay ee SDF2 gacan ka gaystay imika baarlamaankana ka ansixisay, $25milion ee ugu horeeyey waxa inoogu deeqay ingiriiska (DIFID) waxaan filayaa mar hadii ingiriiskii gacanta taagay way ku daba jirayaanun qolooyinkii kale hore inoo caawin jiray ee ay ka mid yihiin Denmarka iyo Norway iyo Holland ay ku daba jiraan.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay todobaadkan boqan doonaa Nairobi halkaasna ay ugu soo bandhigi doonaan qaadhan-bixiyayaasha iyo wadamada kale ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta

Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay  in door laxaadle ay ka qaadan karaan (private sector) ama  ganacsiga gaarka loo leeyahay  hirgalinta qorshahan labaad ee horumarinta qaranka, isagoo usoo jeediyey inay hantidooda galiyaan meelaha wax tarka u leh sida warshadaha, beeraha iyo xoolaha, kuwaasoo ayuu yidhi shaqo abuurna samayn kara.

Wasiirka kaluumaysiga Cali Jaamac Faarax ( Buureed) ayaa isaguna sheegay in ujeedada loo sameeyo qorshayaasha horumarinta ay tahay in la ogaado halka aad wax ka bilawday iyo halka aad gaadhay

Furitaankii kulankan waxa warbixin dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyey Madaxa waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Mud. Mubaarik Cabdilaahi (Daljir)

  Qaybihii danbe ee kulanka ayey  soo qaygalayaashu waxay isku waydaarsadeen fikrado iyo soo jeedin la xidhiidha dhamaystirka qorshahan.