Magacyada Lix Mudane Oo Aan Maalina Ka Maqnaan Fadhiyada Golaha Wakiilada

0
723

 

DSC09806Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyay lix mudane oo ka tirsan golaha wakiilada oo aan maalina ka maqnaan fadhiyada golaha oo jiray muddo ku dhow lix sannadood.

Fadhigii shalay ee golaha ayuu guddomiye Cirro lixdaas mudane ku maamuusay shahaado sharafyo loogaga abaal guday sida ay uga soo baxeen shaqadii umadda u dooratay, maadaama oo aanay iyagu maalina si fudud uga maqnaanin fadhiyada golaha iyadoo mudanayaasha golaha wakiilada qaar badan oo ka mid ahi ku caan baxeen inaanay ka soo xaadirin fadhiyada golaha wakiilada marka laga reebo kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin.

Lixda xildhibaan ee shahaadooyinka lagu maamuusay ayaa kala ah

Xildhibaan Baar Siciid Faarax

Xildhibaan Ibrahim Axmed Haybe  (Ibrahim Kacaan)

Xildhibaan Cali Xaaji

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle

Xildhibaan Maxamed Xuseen