Malabku waxa uu daweeyaa nabarrada Afka

0
895

London (Geeska)- Waxaa marar badan debnaha iyo gudaha afkaba ku dhaca dil-dillaacyo yaryar oo dadka qaar ay dhibaato ku noqoto ka bogsashadoodu. Saynisyahanno baadhis ku sameeyey waxtarka malabka shinnida ayaa sheegay in uu leeyahay awood aad u badan oo uu ku daweyn karo nabarrada afka.

Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa dalka Ingiriisku, nabarrada afka ku samaysmaa waxa ay ka dhashaan fayras marka hore afka bannaankiisa ku dhasha laakiin gudaha afka u guura. Khubaradu waxa ay sheegeen in Fayraskani aanu u baahnayn in dawooyin sidaa u badan oo dhakhtar, balse lagula tacaali karo kiriimo fayraska ku liddi ah. Waxa se ay caddeeyeen in fayraska afka dillaaca ku keena lagu kala qaadi karo dhunkashada afka.

Tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu ku sameeyeen malab ay samaysay shinni ku dhaqan dalka New Zealand ayaa muujiyey in noocyo ka mid ah malabka oo ay shinnidu ka samayso muudka ubada dhirta uu yahay dawo waxtar leh, oo tijaabooyinka lagu sameeyey ay si cad u muujiyeen in ay si aad u heersarraysa u daweyn karto dil-dillaaca ku dhaca afka.

Isbarbardhig ay khubaradu ku sameeyeen malabkan iyo dawooyinka lagu daweeyo dillaacyadaas ayaa muujiyey in waxtarka malabku uu aad uga horreeyo dawada, waxa aanay tijaabadu muujisay in sagaal maalmood gudahood uu malabku ku bogsiiyey nabarrada afka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here