Buugga uu Mahaatiir maxamed qoray sannadkii 1970 kii waxa uu horseeday dhaliil kulul oo kaga timid siyaasiyiintii ay isku masiirka ahaayeen iyo dadweynihii qawmiyadda uu ka soo jeedo ee Malayga oo u arkayey in uu quudhsaday.
Xilalka siyaasiga ahi ma’ay ahayn bilowgii soo shaacbixidda awoodda hoggaamineed ee Mahaatiir Muxamed, balse ifafaalaheedu goor hore ayaa uu muuqday. Mahaatiir Maxamed tan iyo bilowgii hore ee siyaasadda waxa uu hab-dhaqankiisa siyaasiga ah sal uga dhigay danaynta iyo ka agdhowaanta nolosha bulshadiisa, gaar ahaan dadka saboolka ah. Taas oo ka muuqatay xitaa ka hor intii aanu siyaasadda figteeda gaadhin, tusaale ahaan markii uu guddoomiyaha u ahaa jimciyadda ardayda Muslimiinta ah ee kuliyadda caafimaadka. Si kastaba ha ahaato ee marka aynu dul istaagno jaranjarradii uu u maray xilalkan.
Sannadkii 1973 kii Mahaatiir Maxamed waxaa loo magacaabay xubin ka tirsan golaha odayaasha oo magacaabis ku iman jiray, laakiin isla sannadkii xigay ayaa uu iska casilay xubinnimadas. Waxa uu tartan u galay xubinnimada baarlamaanka oo doorasho lagu imanayey, taas oo uu ku guulaystay. Sannadkii xigay waxaa loo doortay gacanyaraha guddoomiyaha xisbiga UMNO, kaddibna sannadkii 1978 kii ayaa uu u dallacay guddoomiye ku xigeen, saddex sano kaddibn oo ahayd 1981 kiina waxa uu noqday guddoomiyaha xisbiga.
Isla sannadkaas bishii julay ayaa uu Mahaatiir Maxamed qabtay xilka raysalwasaaraha. Waana markaas marka uu fursadda u helay in uu dhaqan geliyo aragtiyihii siyaasadeed iyo afkaartii hoggaamineed ee uu aaminsanaa, taas oo ay ugu horreyso in uu tallaabo tallaabo u fuliyey fikirkii uu ku qoray buuggiisa muranka dhaliyey. Laakiin markan dambe horseeday horumarka dalka Malaysiya.
Waxa uu ka bilaabay waxbarashada iyo cilmibaadhista oo uu ka dhigay mudnaanta koowaad ee ajandeyaasha xukuumaddiisa. Miisaaniyad aad u badanna uga qoondeeyey miisaaniyadda qaranka. Habka uu waxbarashada u abbaaray waxa ay lahayd tallaabooyin kala horreeya oo is dhammaystiraya. Tusaale ahaan qorshaha koowaad waxa uu ka dhigtay tirtirista akhrisqoris la’aanta iyo barashada afafka. Waxa kale oo uu xoogga saaray tababarrada farsmada gacanta iyo kobcinta mihnadaha shaqo. Intaas waxaa barbar socday cilmibaadhista oo uu sameeyey goleyaal cilmibaadhiseed uu ku ururiyey xulka ardayda malaysiya ee wax ka soo barta jaamacadaha dalalka shisheeye ee horumaray ama waxbarashadooda la majeerto.
Xukuumadda Malaysiya waxa kale oo ay hawlaheeda ugu mudan ka dhigtay in ay Kombiyuutar u beddesho aaladda shaqo iyo waxbarasho ee dalka. Arrintan dad badan ayaa laga yaabaa in ay u arkayeen degdeg maadaama oo dhaqaalaha iyo horumarka dalku weli hooseeyey, laakiin waxa ay waayo-aragnimadu in ay arrintani fure u noqotayba horumarka dalku gaadhay. Waxa ay xukuumaddu xoogga saartay in uu dalku helo internet awood badan, waxa aanay ka shaqaysay sidii uu u gaadhi lahaa dadka, gaar ahaan goobaha cilmibaadhisaha iyo waxbarashada ee Malaysiya oo badankooda ay dawladdu gelisay.
Waxa kale oo ay xukuumadda Mahaatiir Maxamed ka shaqaysay sidii ay waxbarashada ugu soo dari lahayd maaddooyin ardayda ka caawinaya kobcinta iyo horumarinta xirfadahooda, gaar dhinacyada shabakadaha isgaadhsiinta, iyo nidaamyada farsamaynta iyo warshadaha. Si arrintani u suurtagasho xukuumaddu waxa ay muddo ku dhistay tiro ka badan Afar boqol oo ah maxaddo iyo kuliyaddo jaamacadeed oo u gaar ah barashada teknoolajiyada, farsamada gacanta, kobcinta mihnadaha iwm. Waxa ay xoojisay xidhiidhka ka dhexeeya xarumaha cilmibaadhista ee dalka iyo jaamacadaha, iyada oo dhinaca kalana korisay wacyiga ganacsiga iyo hawlaha gaarka loo leeyahay ee ku aaddan fahamkooda waxtarka cilmibaadhisaha.
Tusaale ahaan in ganacsatada iyo shirkadaha waddaniga ah la fahamsiiyo faa’iidada ay leedahay in tallaabooyinka ay qaadayaan oo dhami noqdaan kuwo si cilmiyeysan ay u daraaseeyeen xarumaha cilmibaadhisaha iyo jaamacaduhu. In la baro in xallinta mushkiladahooda ay ka bilaabaan in dadka aqoonta leh daraasadahooda ay tixraac ka dhigtaan. Horumarka ay doonayaan iyo qorshayaashooda mustaqbalkana ku saleeyaan.
La soco…