Mahaathiir Muxammed: Dhakhatarkii Daweeyey Dhaawacii Dhaqaale iyo Bulsho Ee Dalkiisa (Q. 3)

0
155

Mahaatiir Maxamed waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda ama dhiig ku leh isirka Malaayga ee dhakhtarnimo kaga shaqeeya Malaysiya, weliba waxa uu noqday dhakhtar aad loo jecelyahay. Maalgeli badan oo uu ka helay ganacsato badan oo soo dhoweysay ayaa uu ka dhistay guri weyn, waxa aanu maalgashaday ganacsiyo kala duwan.

Mahaatiir Maxamed waxa uu dhalay afar carruur ah, waxa aanu korsaday oo uu aabonimo ugu qoranyahay saddex carruur ah.

Mahaatiir Maxamed waxa uu qaatay siyaasad ku dhisan aragti ah wadaniyad islaamiya, isaga oo aaminsan in muslimiinta oo ku dhaqma tilmaamaha iyo aragtiyaha Qur’aanka Kariimka ahi xambaarsanyahay ay ka dhigayso umadda ugu hodansan adduunka. Si kastaba ha ahaato ee waxaa lagu tilmaamaa in uu aad uga taxaddaray in aragtiyaha qaarkood oo uu u arkayey in ay xannibayaan waxsoosaarka iyo hal abuurka noloshan casriga ahi u baahan tahay. “Haddii aynu dhammaanteen noqonno culimo diimeed, yaa inoo samaynaya diyaaradaha, gantaalaha, gawaadhida iyo qalabka teknoolajiyadeed ee casriga ah” ayaa ka mid ah hadallada Mahaathiir Maxamed.

Isaga oo intaas ku daray in ay waajibtahay in umadda muslimku ay yeelato saynisyahanno teknooljiyada casriga ah la haysta, xeeldheereyaal ganacsi iyo dad ka hawlgala dhammaan dhinacyada kala duwan ee aqoonta. Waxa se uu arrintan ku ladhay, in waxaas oo dhan aasaas looga dhigo aqoonta ku duugan Islaamka.

Dhinaca kalana Mahaatiir Maxamed waxa uu si adag uga soo horjeedaa xagjirnimada iyo in gacan ka hadal iyo rabshado magacaIslaamka lagubannaysto, ama islaamka laga dhigto sallaan lagu gaadho dano qofeed. Isaga oo ururrada Islaamiga ah ee dagaallada ka wada meelaha kala duwan ee adduunka ku tilmaami jiray kuwo nidaamka ay qaateen uu culays uun ku sii kordhiyey dawladaha Islaamka, diinta islaamkana foolxumeeyey.

Mahaatiir Maxamedwaxa uu si adag u naqdiyaa nidaamka ‘Carro-edegeynta’ ee ay reer galbeedku sida aadka ah dhaqangelintiisa u riixayaan. Nidaamkaas oo la aaminsanyahay in uu yahay hab suurtagelinaya in dalalka awooddooda dhaqaale dhisantahay ay ka faa’iidaystaan suuqyada dalalka waxsoosaarkoodu hooseeyo. Waraysi uu siiyey Talefishanka Aljazeera, Mahaatiir Maxamed waxa uu ‘Carro-edegeynta’ (Globalization) ku tilmaamay burburin dhaqaale, waxa aanu ka digay khataraha uu nidaamkani ku keenayo hiddaha iyo dhaqanka maxalliga ah ee ay dalalku kala leeyihiin.

Mahaatiir waxa uu ku doodayaa in koboca dhaqaale iyo horumarka uu dalku samaynayaa ay noqdaan kuwo aan ka hor imanayn qiyamka akhlaaqeed iyo bulsho.

Mahaatiir Maxamed waxa uu ku baaqayaa in adduunyadu ay samaysato nidaam dhaqaale iyo maaliyadeed oo cusub, oo ah mid dunidu si siman isula ogoshay, ugana wada shaqayso. Si looga hortago in uu cid gaar ah culays ku keeno cid kalana u daneeyo.

Buugga ‘Mahaatiir Muxamed.. Shabeelka Aasiyaanka ah, wiil fallaago ah illaa halyeey Islaami ah’ oo uu qoray Caadil Al-Jawjari waxa uu tilmaamayaa in guusha ugu weyn ee tijaabada u sameeyey Mahaatiir Maxamed ku jirtaa ay tahay halganka uu u galay horumarinta Sayniska iyo Teknoolajiyada. Isaga oo dhinaca kalana dalkiisa ku dhisay qiyam Islaami ah iyo xadaarad aanu dhaqangelinteeda ka dhigan xayeysiis siyaasadeed oo uu meel kasta ka sheego, balse si nidaamsan hoos ugu dhammaystiray.