(Geeska) Madaxweynaha Somaliland ayaa soo saaray maanta liiska wasiirada cusub, kadib markii uu sameeyey isku shaan dhayn dhanka golihiisa wasiirada iyo qaar ka mida hay’addaha dawliga ah.
War saxaafadeed laga soo saaray qasriga madaxtooyada oo uu ka saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadu ayaa lagu shaaciyey magacaabista wasiirada cusub.
Masuuliiyinta cusub ee xilalka loo magacaabay waxaa ku jiro xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, gaar ahaana gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Wasiirada Xilalka Cusub Loo Magacaabay
1. Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Maaliyadda
2. Axmed Cabdi Xaabsade Wasiirka hawlaha guud
3. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) Wasiirka Warfaafinta
4. Cali Siciid Raygal Wasiirka Ciyaaraha
5. Maxamuud Axmed Bare Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada
6. Cabdilaahi Abokor Cismaan (Garaad) Wasiir ku xigeenka daakhliga ee dhinaca amniga, halka wasiir ku xigeenkii horena ahaan doono wasiir ku xigeenka arrrimaha maamkulka ee wasaarada arrimaha gudaha
7. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Wasiiru Dawle Cusub oo Wasaarada maaliyada ah
8. Mawliid Maxamuud Ibraahim wasiir ku xigeenka arrimaha dibada
9. Nuux Sheekh Muuse Ducaal Gud hay’adda shaqaalah
10. Maxamed Cumar Cabdilaahi Gud ku xigeenka hay’adda shaqaalaha
11. Axmed Xuseen Oomane Wakiilka Somaliland u Fadhiya Dalka South Sudan
Waryagska Geeska Afrika
Deskak News
Hargeisa-Somaliland
Comments are closed.