Golaha Wakiilada Oo Guddi U Saaray Xeerka Furashada Ururada Siyaasada Ee Dalka

0
655

 

DSC09806Hargaysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa shalay fadhi ay yeesheen waxa gudi loogu saaray xerka furashada ururada siyaasada ee Lanbar-14 oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo uu hore ugu soo gudbiyay golaha wakiilada isla markaana uu ka codsaday in ay ansixiyaan furashada ururada siyaasada.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro soo jeediyay in golaha hortiisa laga akhriyo warqada uu madaxwaynuhu ku soo codsaday in la ansixiyo xeerka furashada siyaasada, oo u qornayd sidan “Aniga oo Og mihnada ay doorashooyinka golaha deegaanka iyo furashada ururadu ku leeyihiin bulshada, Aniga oo maanka ku haya in dhamaystirka guushu ku dheehantahay geedi socodka dimuqraadiyada waxtar weyna u leedahay qadiyada madax banaanida Somaliland isla markaana garowsana magac-samida iyo meel marka ay doorashadii madaxtooyadu u soo hoysay dalkeena Aniga oo garowsan inay doorashadu tahay hawlo baaxad weyn leh markaan arkay qodobka 90, 9, 20, iyo 22 ee dastuurka oo dhamaantoodba damaanad qaadaya is abaabulka siyaasadeed ee ururada markaan arkay xog ururintii gudidii doorashooyinka waxaan ogolaaday 1-in ururada siyaasadeed la furo isla markaana ay ka qayb galaan tartan Golayaasha deegaanka ee inagu soo foolka leh, si waafaqsan dastuurka qaranka sidaan idiinku soo gudbinay digreetadii hore ee tirsigeedu ahaa 249-50626011.”

Godoomiyaha golaha wakiilada waxa uu u saaray gudi ka kooban xildhibaano iyo sharciyaqaano sidii ay uga soo arimin lahaayeen xeerka lam 14, sidoo kale waxa uu gudoomiyahu sheegay inay gudigan u diyaarinayaan goob ay ku shaqeeyaan isla markaana waxa uu siiyay wakhti shan maalmooda oo ay ku soo lafa guraan xeerkaas, uguna soo gudbiyaan golaha si ay uga doodaan maalinta Axada ah ee fooda inugu soo haysa.