Magacyada Afar Askari Oo Dawladu Shalay Qisaas Ku Fulisay Iyo Afartii Ruux Ee Gacantooda Ku Baxay

0
618

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa qisaas ku fulisay afar nin oo hore ay maxkamadaha dalku ugu xukumeen dil toogasho ah, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxaanay saddex ka mid ahi dileen saraakiil ciidan, halka uu mid dilay qof shacab ah.

1

Afarta nin oo lagu kala dilay Dararweyne iyo Mandheera ayaan goobaha uu dilku ka dhacay saxaafadda loo ogolaan, waxaanay afarta askari ee la dilay iyo dadkii ay dileenba kala yihiin sidan:

1. Cabdirisaaq Maxamed Kheyre oo dilay Aadam Guuleed Daahir taliyihii ciidanka birmadka boliiska ee Berbera, 

2. Cabdicasiis Saciid Warsame oo hore u toogtay taliyihii guutada 93aad ee ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka sanaag Baashe Cabdi Cali

3. Cabdillahi Cabdi Cilmi, oo hore ugu dilay Hargeysa nin shicib ahaa oo magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali.

4. Cismaan Hirad Diiriye, oo hore ugu dilay gabolka Awdal sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo magaciisu ahaa Axmed weli.

Waa qisaastii labaad ee ay xukuumadu ku fuliso qaybo ka mid ah maxaabiista xabsiyada ugu xidhan kiisaska dilka ah ee ay gaystaan, waxaana muuqata in dilalka lagu koobay askartii laysay saraakiishoodii iyo nin shacab ah.