Magacyada 5 Ruux Oo Ku Geeriyooday Weerar Ay Koox Dabley Ahi Ka Gaysatay Ceel-Afweyn

0
706

Ceel-afweyn(Geeska)-Alle haw naxariiste Shan ruux ayaa ku geeriyooday sida oo kalena afar ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay dad joogay gudaha Ceel-afweyn, waxaana lagu soo waramayaa in beelihii halkaas ku dagaalamayay ay mid ka mid ah weerarkan gaysatay.

Maayarka Ceel-afweyn Cabdiraxiin Aw Yuusuf Axmed ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dadkan, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Sideedii iyo badhkii meelahaas ayaa koox dablay ah magaalada Badhtankeeda ay weerar ku soo qaadeen ilaa hadda geeridu waxay maraysaa shan dhaawacuna waa afar kuwaas oo xaaladoodu ay aad u liidato.”

Dadka shanta ruux ah ee geeriyooday ayaa waxa ku jira 3 haween ah, waxaana xalay degenayd magaalada, inkastoo laga dareemayay cabsi iyo warwar badan oo ku saabsan in xaaladu sii xumaan karto, maadaama oo dadka weerarka gaystay la sheegay inay ka soo jeedaan mid ka mid ah beelihii hore ugu dagaalamay jiiddaas.

Shanta ruux ee geeriyootay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Faadumo Muuse Guuleed,
  2. Caasha Maxamed Maaweel,
  3. Faadumo Aadan Guuleed,
  4. Mubaarik Saleebaan Axmed
  5. Dubad Guuleed Cade

Ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobalka iyo dawladuba ka soo saareen dhacdadan marka laga reebo maayarka Ceel-afweyn oo ka hadlay falka dhacay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here