Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa (10-11-aad)

14
1078

bobeHaa….Show ilaa cabbaar waa aynu kala maqnayn. Qormadii 9aad iyo sidii aad u aragteen. Dhacdadii shalay ku soo noqo iyo duubisteedii. Waa meelaha muranku ka taagan yahay. Intiinna badani waxaad jeceshihiin in taxanahani sii socdo. In yar oo inaga mid ah oo aan weli go’aan qaadani waxay door-bidaysaa in la yar hakiyo. Inta hantida qaranka iyo boobka ku mamtay ee laasintay, taxanahan ma arki karto, aniguna macmiil ayaan leeyahay oo kuwaas iyo rabitaankooda ayaa I khuseeya. Kuwaas ayaan u dabranahay. Iyaga cid aan ahayn uma heellani.

Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, miyaanu odhan:

“Codkii dadka baahan,

 Caroogga saboolka,

 Adduunka ku ciillan,

 Anaa cudha haysta,

 

 Anaa Cabdillaahi,

 Wargeys u ah caydha,

 Caloosha danleyda,

 Anaa cabbiraaya,

 

 Anaa carrabkayga,

 Xammaalku cabbaayo,

 U-diiday Cir-weyne,

 In aan ku casuumo,”

 Bal hadda arrinta u fiirsada. Labadan docood ee soo socda ayaad u kala bixi kartaan: Nin ku andacoonaya in uu qof mas’uul ah wax ka duubay oo cabanaya kuna andacoonaya in laga xaal-mariyo. Nin kale oo xuquuqdiisii Dastuuriga ahayd lagu xad-gudbay oo isaga oo aan ogeyn wax laga duubay oo kii eedda ka galay xaal-marin iyo garawshiiyo ka rabo. Bal hadda akhriste labadaa dhinac mid is-taag. Sheekada oo dhami waa intan. Waa xaq iyo baaddi. Waa gar iyo gardarro ee mid garabka saar, Ilaahayna sidaas ayuu kugu abaal-marin doona

Kuma ayay tahay in uu aammuso oo dhunto? Aammus maanta inoo ma bannaana ee waa in aynu ka dul eedaannaa kuwa ugu dhaadheer buuraheenna oo dhawaaqa meel walba gaadhsiinnaa.

Cabdilqaadir Xirsi oo loo yaqaannay Yam-yam ayaa beri tiriyay maanso la magac-baxday ‘Dhuux-tagoogo.’ Ibraahin sheikh saleebaan oo loo yaqaannay Gadhle ayaa ku jawaabay tixda la magac-baxday ‘Tuhun-reeb’oo tuduc ku jiray ahaa:

“Tuug waa is-qariyaa,

 Halka uu ka xado tulud,

 Tahan buu ka guuraa,

 Toddobaadkan Xaajow,

 Mid tiriig sitaa yimid.”

5/8/2012ka: Waqti ama xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 2.00 saacadood ee duhurnimo, Maxkamadda Gobolka ayaa Xasan Maxamuud ku soo daysay dammiin uu ilaa maanta dibadda ku joogo, xilkiisiina uu kaga maqan yahay. Xasan Maxamuud waxay ahayd in la soo eedeeyo oo xilka laga qaado, ama sharaftiisa loo soo celiyo oo xilkiisiina loo dhiibo. Ilaa maantadaa aynu joogno kiiskaasi waa uu furan yahay oo Hanti-dhowr dacwaddii xidhay ama gebagebeeyay ma jiro. Bal is-weydiiya waxa Hanti-dhowrkaa loo soo diray ee uu ilaa maantada aynu joogno hawshaasi u laalan tahay. Waxay Wasaaradda soo galeen 30/7/2012ka. Ma Xasan Maxamuud ayuun baa shaqada laga joojinayay, mise Wasaaradda ayaa dhab ahaan loo baadhayay.

6/8/2012ka:Waa maalmihii ay Marwada Koowaad ku maqnayd London. Maa daama ay Ramadaan ahayd, macaankayga oo hoos u yar dhacayana aan dareemay, xilli ku beegnaa ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan gurigaygii tegay. Maalmahaa indhaha saxaafaddu waxay ku jeedeen wada-hadalladii Xaglo-toosiye ee Oog ka socday.  Malahayga markii aan saacad badhkeed joogay gurigii ayaa wiilkayga Diiriye ii dhiibay tilifoonkaygii oo soo dhacay. Waan qabtay. Mise waa Madaxweynihii oo yar kacsan. Si deggan ayaan ‘haloo’ u idhi. Madaxweynuhu wuxu igu yidhi, waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamuud) la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay? Aniguna ma Xasan Maxamuud. Iyo haa. Intaa ka dib ayaan u sheegay in uu xafiiska u yimid si uu mushaharkiisii u qaato. Ka dibna Madaxweynuhu wuxu igu yidhi inta baadhistu socoto, shaqo ma qaban karo.

Sida aan wedkayga u hubo ayaan u hubaa in aanu Madaxweynuhu arrintan isagu dabo socon, bal se inta ku dhow ee uu aamminay ay dhaqammadan xeyndaabka qarannimo iyo madaxnimo ka baxsan iyagu ula imanayaan, halkii ay karaamadiisa, sharaftiisa iyo ta Qarankaba ka dhowri lahaayeen. 

Xasan Maxamuud maalintaas ilaa 11.30kii ayuu xerada Idaacadda yimid, Madaxweynuhuna wuxu ila soo hadlayay saacad ka dib. Bal ka warrama! warka laga diray Idaacadda ee Madaxweynihii gaadhay ee uu ila soo hadlay. Intaan is-yar taagay ayaan maskaxda ka yar shaqaysiiyay, daqiiqadna iguma ay qaadan in aan suureeyo sida wax u dhaceen iyo sida ay wax isugu xidhmeen. Lambarka Madaxweynuhu igala hadlayay waan garanayay, cidda leh waan garanayay, qofka markaa gacanta ku hayayna waan garanayay. Raxantii Madaxtooyada ku xidhnayd mid ka mid ah oo aan hebel u garanayo ayaa tilifoon diray, kii ka qabtayna Madaxweynaha ayuu warkii u sheegay. Ninkan madaxweynaha warka gaadhsiinaya inta Idaacadda joogta qof keliya ayuun baa la hadli karayay, run ahaantiina kii baa la hadlay. Waa intaasba sida aan aamminsanahay ama ku suureeyayba. Lambarkii ayaan ilaa saddex, afar jeer dib u garaacay, waana la iga qaban waayay. Lambarkaa dhakhso ayaa la iiga qaban jiray oo waa tii aan ka mahad-celiyay, saranseerkani se wuxu dhacay intan lagu jiray hawl-galka TV-ga lagaga jarayay Wasaaradda Warfaafinta sababao dhaqaale awgood. Sidaas ayaan ku xaqiiqsaday qofkii markaa gacanta ku hayay. Qofka aan ka hadlayo intii aan karayay ee aan aniguna ku sarriiganayay idiin sawiray e’ aan ku soo xidho weedhaydan murti-dhaadhigii af-maalka waddaniga ah ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo e’, xaaladdahan oo kale wuxu odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se waa yaqaannaa.”

Halkaa sheekada u dhaafi maayo oo waa tii aan hordhacaygii ku ballan-qaaday in aan sarriigan doono.

Qaybta 11aad

Hal ducasho iyo dihasho ku yimid oo aan halacsaday shalay, ma yar haadiyaa? Bal ka warrama xukuumadda hadalka u hollatay ee Sayid-gaab ka hillaac is-tidhi, Haatufna ka hoor, hungo qaawan in ay tahay, miyuu hadal ka joogaa. Aan tixdii ‘Daahyaley’ tuduc uga baadhno oo nidhaahno:

“Doqon yahay maseyrkiyo,

 Danni lagu abuuree,

 Deeqdii Ilaahay,

 Deel-qaaf ka mudataay,

 Adigiyo Dangaladaa,

 Da’ kastoydin qooqdaan,

 Waxa aydin dihataan,

 Daratiyo ma caal baa,”

Akhristayaashayda sharafta leh ee dadka iyo dalkaba kalgacalka u haya iyo inta qarannimada danaynaysaba, waxaan marti uga ahay in aanay cidna u jawaabin. Innagu majare cad oo aynu danta guud ku daafacaynno ayaynu haynaa, kaas ayaa la inaga leexinayaa. Innagu qof uma jeedno, qolo uma jeedno, gobol uma jeedno. Waxaynu u jeednaa inta dal iyo dadba xumaynaysa.Sidii ku jirtay maansadii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay) ee Deelleeydii ka midka ahayd ee “Ka dartaye ma dibi baa” aynu nidhaano:

“Dalka kii xumeeyow,

 Degdeg oo ha noolaan,”

 

Anigana Ilaahay intan ha iga dhaafo, qalinkeennaba ma geyaan e’.

Sow tii Mujaahid Macallin Gaarriye intii aanu hoyan inala sii dardaarmay ee inagu lahaa:

“Majaraan hayaa,

 Duul hore u maray,

 Ay mahadiyeen,”

Waxaan idin ka codsanayaa in aydaan leexan ee toobiyaha iyo tubta toosan haysataan. Intaa kore ee aan idin ka adeegsaday xagga danbe ayaan idiin kaga kabayaa, raalli ahaada.

Sheekadii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Xaaladda oo sida u laba-legdaynaysa ayaan 11/8/2012kahawl ugu ambo-baxay Juba, xarunta Koonfurta Soodaan. Habeennimadaa aan baxayay Agaasimayaasha oo dhan Hotel Maansoor ayaan casho ugu sameeyay oo kula sii dardaarmay. Xilkii Wasaaraddana waxaan kaga sii tegay Agaasimaha Guud. Xertii Madaxtooyada ku xidhneyd ayaa isku maaweelin jirtay inta uu maqan yahay ayaynu wax walba beddelaynaa.

Warbixinta Juba: 12-15/8/2012ka

Lagama yaabo in badan oo idin ka mid ahi in ay xiiseyso sheekada Juba, bal se aan idiin ka dhaco. Dhinac kale ayaynu iska taagaynaa qaababkan dalka iyo dadkaba loo hoggaamiyo. Waab-hawleed (Workshop) saddex maalmood ah ayaan u tegay oo lagaga doodayay mowduuca ah: Koonfurta Soodaan maxaa lagu aqoonsaday ee Somaliland loo aqoonsan waayay? Si wanaagsan oo hagrasho lahayn ayay xukuumaddu ii sii mabo-bixisay, waanan uga mahad-celinayaa.

Mowduucaas ayaanu ka hadlaynay. Somaliland saddex qof ayaanu ahayn:

Ladan Caafi (aqoonyahan Soomaaliyeed) oo ka hadlaysay taariikhdii Somaliland intii 1960kii ka horreysay,

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay taariikhdii Somaliland: 1960kii-1991kii,

Aadan Xaaji Cali oo qaatay: Sababaha aqoonsiga aan loo helin,,

Waxa xusuus gaar ah mudan oo aan halkanna uga mahad-celinayaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo xilal wasiirnimo oo badan soo qabtay oo madashaa dood hodan ah kaga qayb-galay. Run ahaantii wax badani nooma suuro-galeen la’aantiis.

Aqoonyahanno kale oo caalamiya ayaa nagala qayb-galay doodda, waxaana madasha laga soo jeediyay waraaqo (papers) la falanqeeyay oo marka danbena buug ahaan u soo bixi doona dabayaaqada sannadkan.

Dal cusub oo ugub ah ayuu ahaa. Dal hodan ah oo dagaallo rigeysteen dibudhac badanina ka muuqdo. Laakiin rajo badan ayaa taallay. Jaaliyad reer Somaliland ah oo ilaa 200 oo qof gaadha ayaa ku sugneyd oo intooda badani shaqaysata. Waxa kale oo deggen jaaliyad reer Soomaliya ah oo aad u faro badan.

Waa meel u heellan Somaliland bal se la dayacay. 15/8/2012ka ayaan ka soo dhoofay. Bal se intii aanan soo bixin waxa ii suuro-gashay in aan la kulmo laba wasiir oo kala ahaa:  wadaWasiirka Warfaafinta iyo ka Arrimaha Dibadda oo ka danbe aanu isku gacan-qaadnay qolka martida ee Madaarka Jubba.

Maaalintaa mar ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan Wasiirka Warfaafinta, Mr. Benjamin kula kulmay xafiiskiisa. Si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay oo aanay jabhadnimadii ka madhnayn. Biyo ayaa na loo soo dhigay iyada oo loo yeedhay raxan TV-ga ka socotay. Waanu isa salaannay, ka dibna fadhiisannay. In yar ka dib ayaan la soo qaaday Addis-ababa iyo goobihii Mujaahidiinta labada Jabhadood ku kulmi jireen, gaar ahaan bartii Idaacadda. Waxa kale oo aan la soo qaaday labadii af-garasho ee labadii Jabhadood ee SNM iyo SPLA oo kala ahaa 06 iyo 07. Mar kale inta uu is-taagay ayaanu isku dhegnay oo il-bidhiqsiyo xusuusannay maalmahaa dul saarka nagu ahaa.

Markii aanu hadalkii fadhiga ku dhammaysannay ayuu gacanta I qabtay oo igu idhi: TV-gana aynu farriin ka gudbinno.” Waan ka guddoomay oo aniga ayaa ku horreeyay oo ka sheekeeyay sababta aanu Juba u nimid iyo mahad-celin dawladda iyo dadka ah annaga oo soo wadaagnay halgan hubeysnaa oo aad u qadhaadhaa.

Ka dibna waxa makrifoonkii la wareegay Mr. Benjamin, waxaana hadalkiisii dhaabad u ahaa:

Soo-dhaweyn uu na soo dhaweynayay,

In ay Somaliland xaq iyo dawba u leedahay in la ictiraafo oo adduunyadu aqoonsato,

In ay marti-qaad u fidinayaan wefdi rasmiya oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soodaan booqasho ku yimaadda,

In ay diyaar u yihiin in ay Somaliland Juba ka furato xafiis diblomaasiyadeed,

Farriimahani ma aha qaar aan idinka uun idiin qorayo oo aan idin ku beer-laxawsanayo, bal se waa qaar aan Madaxweynaha u gudbiyay markii aan soo noqday. Maalmahaa aan Juba joogay ayay dawladda Muqdisho Safiirkeedii soo diratay oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay.

(La soco……………………)

Comments are closed.