Wasiir Saleban-Xaglatoosiye Oo Shalay Madal La Isku Arkay Kula Wareegay Xilkii Wasiirnimo

0
893

wareijingHargaysa( Geeska )-Wasiirka cusub ee wasaarada dib u dajinta Md. Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglo-toosiye), ayaa si rasmiya ugala wareegay xilka wasaaradaas wasiirkii hore.

Xafladii xil wareejinta ayaa u muuqatay mid loogu muujinaayo siyaasigan soo dhawayn diiran, waxaanay ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabulay loogana soo qaybgalay, waxaana madashaas ka soo xaadiray wasiirada wasaaradaha gaashandhiga,hawlaha guud,warshadaha, boosaha iyo isgaadhsiinta, kaluumaysiga,warfaafinta iyo duulista iyo hawada, gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, guddomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Sandule, agaasimayaal guud, garaado, madaxdhaqameed iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Wasiirkii hore wasaarada dib u dajinta Cabdirasaaq Cali Cismaan oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo dhiibay maadama oo uu wasiir wali yahay, waxaanu xafladan uu xilka ku wareejinaayay ka sheegay inuu xilkaas ogal yahay.

Saleebaan Xaglotoosiye ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay xilkan loo magacaabay waxaanu sheegay inuu ku qanacsan yahay oo ka hawlgali doono wasaaradaas, isaga oo tilmaamay inuu awooda saari doono sidii uu u dhamayn lahaa nabadaynta bariga loona dabooli lahaa tabashada beeshiisa.

Siyaasiyiin uu kamid ahaa wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali-Sandule, ayaa dhamaantood si diiran wasaaradaas ugu soo dhaweeyay umadane Xagla-toosiye.

Ugu horayntiina wasiirkii hore ee dib u dejinta Cabdirasaaq Cali Cismaan oo xafladaas ka hadlay intii aanu xilka wareejin ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Anigu wasiir uun baan ahay, madaxweynaha jamhuuriyada Somalilandna waxa uu markii hore ii magacaabay wasiirka dib u dajinta, imikana wasaarada warshadaha, waanan ku ogolahay waanan ku faraxsanahay, intaas haddaan ku dhaafo wasiir Saleebaan waxaan halkan kuugu wareejinayaa wasaarada dib u dajinta oo aniga laygu wareejiyay bishii Jun-2011-kii, runtii maalintaasna waxay ahayd waax laakiin maanta waasaarad weeye, bajadkeeduna maalintaas waxa uu ahaa waax, maantana waa wasaarad buuxda.”

Xaglo toosiye

Wasiirka cusub ee wasaarada dib u dajinta Saleebaan Xaglotoosiye oo xafladaas ka soo jeediyay hadalo dhinacyo badan taabanaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“ Wasiirkii hore ee dib u dajinta ahna wasiirka cusub ee warshadaha waxaan ku bogaadinayaa sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyay, waxaanan ugu hanbalyaynayaa jagada cusub ee loo magacaabay. Intaas markaan ka gudbo waxan ka codsanayaa shaqaalaha wasaarada dib u dajinta inay iila shaqeeyaan siday ula shaqaynayeen wasiir Cabdirisaaq iyo si ka wanaagsanba, waxaanan balan qaadayaa inan dardar galiyo wasaarada iyo hawlaheedaba. Anigu waxaan ahaa hogaamiyihii SSC, walina waan ahay, wasiir Somaliland ah baan noqday oo bulshada reer Somaliland oo dhan ayaan wasiir u ahay, horumarkooda,nabadooda iyo midnimadoodna waanka shaqaynayaa. Waxaanse u sheegayaa deegaamadii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqanahay, inan da’daal wayn u gali doono sidii loo xoojin lahaa nabada, sidii horumarka looga shaqayn lahaa iyo sidii isbadal looga dhalin lahaa deegaamadaas hadii allale ka dhigo.”

Ugu danbayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday wasiir Saleebaan Xaglotoosiye sidan “Shalay hoggaamiyahoodii baan ahaa maantana wali hogaamiyahoodii ayaan ahay, tabashooyin-badan way jiraan waanay soo gudbisteen, dawladuna way balan qaaday in la hirgalinaayo, waanan ka shaqaynaynaa hadii alle ka dhigo in dhamaan tabshooyinkaa iyo waxii ay soo gudbiyeen la hirgaliyo, xukun qaybsigu waa mid meesha ku jira, waana imanayaa hadii alle ka dhigo, wasiiiradu waa isku mid wasaaradahuna waa isku mid, waanan ku qanacsanahay xilkan lay magacaabay, si weyna waan ugu hawlgalayaa waanan ka midho dhalinayaa.”

Ugu danbayntiina waxa xafladaas si rasmiya xilkii ugula kala wareegay wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaarada dib u dajinta iyo wasiirkii hore ee wasaaradaas, waxaana xafladaas ay noqotay mid kulmisay siyaasiyiinbadan.