“Anigu Maan Filayn In Saleebaan Wasiir Reer Borama Ah Dusha Laga Saaro, Kii Reer Boramana Mid Reer Lascanod ah”

0
4202

Picture2Hargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Sandule iyo Garaad Maxamed Garaad Soofe, ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka xunyahiin xilka loo dhiibay Saleebaan Xaglotoosiye, isla markaasna uu yahay mid ay kala hanweynaayeen.

Musuuliyiintani waxa ay si adag u sheegeen in ay filayeen in Saleebaan Xaglotoosiye maadama oo uu qaatay go’aan adag oo dhanka nabada ah in xukuumadu ay u dhiibi doonto xil ka miisaan culus kan ay maanta u dhiibtay, waxaanay qaar kamid ah masuuliyiintan ay dawlada u soo jeediyeen inay arintaas mar kale dib ugu noqoto si ay tusaale wanaagsan ugu noqoto beelaha waxa tabanaaya.

Masuuliyiintani waxay ay hadaladan ka sheegeen xafladii uu xilka wasaarada dib u dajita uu kula wareegayay Saleebaan Xaglatoosiye. Ugu horayntiina Faysal Cali waraabe oo xilka loo dhiibay masuulkan ka hadlaaya waxa uu yidhi “Anigu maan filayn in Saleebaan wasiir reer Boorma ah dusha laga saaro, oo kii reer Booramana mid reer Laasacaanood ah dusha laga saaro, waxaan is lahaa ragii darajada qaatay ayay qaar uga kaci doonaan, waxaanan leeyahay kuma faraxsani, waxaanan filayaa inay isku shaandhayn iman doonto, dawladuna waxay ku fiicantahay awood qaybsi, maadama oo aynu wali beelo nahay, waxaanan filayaa inay dawladu isku noqon doonto marka doorashada la dhaafo, imika waxba iskuma taataaban karaysee.”

Sida oo kale Garaad Maxamed Garaad Saleebaan ayaa dhankiisa ku tilmaamay magaabista xukuumada mid badh ah “Saleebaan markii uu maqnaa masuul kastaaba waxa uu lahaa marka uu yhimaado aniga ayaa kursigayga uga kacaaya ee haku fadhiisto, laakiin waxaan u malaynayaa markii uu yimi laxejeclo ayaa gashay. Runtii waxaad moodaa in wali awrku dheelisan yahay, haddii aan awrka dheeliga laga biina haamaha ayuu daadinayaa.” Garaadku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Qolada halkan joogta marka la maqan yahayna wax walba dhulkay dhigaan, marka la yimaadana laxejeclo ayaa gasha, si Somalilandtu ay u socoto waxa u dan ah in dheeliga laga biiyo, kursigana waxaan u qaadnay maadama oo ay dawladu nabadii qaadatay, waxaanu doonaynaa in wax la wadayeesho, laysuna yimaado, waxaanan ula shaqaynaynaa ( Dawlada ) intay haafka tahay si haaf ah.”

Gudoomiye ku xigeenka koowaaad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamed Axmed ( Cali-Sandule ), ayaa dhankiisa isaga oo ka hadlaaya xilka loo magacaabay Saleebaan Xaglotoosiye waxa uu yidhi“ Dadaalkaas badan ee u sameeyay Saleebaan waanu ku taageersanahay, waanad ka garan kartaan dad badan oo xaafadiisa ah oo halkan soo buuxiyay, inaan wax la qaban doono oo aanan kaga hadhi doonin ayaad ogaanaysaan, kaftan yar baa jira qolada kale ee Somaliland ay odhan jireen qolada ka soo horaysay Saleebaan inuu yimaado ma ogla, waxaanu tusaynaa inaan ogalnahay Saleebaan.Runtii Saleebaan waanu kala hanweynn, waxaanu u baahnayan xilkan mid ka wayn, kana maanu doonayn ee waanu ka xunahay, waanuse iimansanaynaa oo la odhan maayo waxbaa la siiyay oo waa ay qaadan waayeen.”