“Xasan Sheekh Wuxuu Xaafadiisa Ugu Sheekeeyo Waxba Kama Khuseeyaan Somaliland”

0
697

imagesHargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, ayaa si adag u beeniyey warar muddooyinkii danbe ay qoraysay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland kaasi oo ku saabsana in Nicholas Kay iyo midawga Yurub ay dabada ka riixayaan qorshe faderaalayn ah oo ay Somaliland kaga qayb noqonayso dawlada Somaliya, waxaana uu sheegay in warkaasi aanu waxba ka jirin isla mar ahaantaana Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub aanay wadan wax qorshe ah oo lagu faderaalaynayo Somaliland, waxaana uu meel adag ka istaagay in aanay Somaliland qadiyadeedu aanay marnaba gor gortan gali karin isla mar ahaantana aanay doonayn in ay ka mid noqoto dalka Somaliya.

Md:Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hadalkan ka sheegay ka dib kulan uu la yeeshay gudida arrimaha dibada u qaabilsan aqalka golaha wakiilada oo uu warbaahinta ku lahadaayey xarunta aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaana uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo waxyaabaha ay kaga wada hadleen.

"Sida aad la socotaan Baarlamaanku waxaa ay leeyihiin gudi u qaabilsan arrimaha dibada, waxaanu siinay warbixin fara badan oo joogta ah, gudidaasi waa gudi nala talisa, waa gudi na tilmaanta, waa gudi aanu kala tashano waxa wadanka ka socda iyo haday noqotaba arrimaha dibada, maanta waxaa aan ugu imi in aan xog kooban aan ka siiyo arrimahii faraha badnaa ee kala gadisnaa ee wasaarada khaarajigu ay qabatay oo ay ka mid ahaayeen shirkii ka dhacay Jabuuti ee Labada madaxweyne go'aanadii ka soo baxay, shirkii aanu u tagnay Brussels, shirkii hore ee caalamiga ahaa ee isna aanu u tagnay Brussels ee horumarka ku lug lahaa, safaradayadii faraha badnaa ee aanu ku kala tagnay wadamo fara badan oo ay ka mid ahaayeen iyo dadkii faraha badnaa ee runtii noo yimid iyo halka aanu u jeedno, waxaa aanu kala tashanaynay oo ka mid ah shirka soo socda ee dhici doona 26-da. Feb. haddii Illaahay qadaro, ee ka dhici doona wadanka Turkiga oo aan inaga iyo Xamar isagu imanayno, waad la socotaan oo arrimaha aanu ka wada hadal nay waxaa ugu weynaa in la soo afjaro arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, waxaa ka mid ahayd in labalaadhiyo oo caalamku ina soo dhex galo iyo arrimihii hore aan ugu heshiinay sidii loo hir galin lahaa, marka gudida waxaanu kala tashanaynay shirka danbe ee soo socda halka aanu ka galayno, waxa aanu la tagayno, taladooda arrinkooda. markaa aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa gudida Baarlamaanka taageeradooda ay wasaarada siiyaan, waxtarkooda iyo taladooda arrimaha ay nagala qayb galaan."Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis.

Md:Maxamed Biixi Yoonis, oo sida oo kale ka hadlaaya arrinta faderaalaynta ee la sheegay in ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, ayaa waxaa uu yidhi:"Nicholas Kay faderaal Somaliland uma soo wado, mana jirto, Nicholas Kay waxaan kula kulmay Laba todobaad horteed Adis ababa, Faderaalku waxa uu khuseeya Xamar Somaliland shaqo kuma leh, ama Galmudug ha joogo ama Garoowe ha joogo waa wax Xamar iyo wadanka la yidhaahdo Koonfurta ee inaga gadisan khuseeya, waxaana aan doonaya in aan idiin cadeeyo, waayo jaraa'idka qaar ayaa laga yaaba in ay ku qorayaan Nicholas Kay ayaa kan yidhi iyo Kan, waxaan idiin sheegaya Nicholas Kay meel uu ku yidhi Faderaal ayaan idiin wadaa ma jirto mana dhici karto, Somaliland faderaal shaqo kuma laha, waa dawlad madax banaan, waa wadan 23-sanadood gaar u taagna waa wadan aan aqoonsi haysan, waa wadan aanu dadaalkiisii wadno Ictiraaf helistiisii Illaahayna aanu ka baryeyno in uu noo fududeeyo.marka Nicholas iyo qaramada midoobay midna ma wadaan Faderaal Somaliland lagu faderaal garaynaayo, waana been aan waxba ka jirin, Somaliyana waa ay ogsoontahay in aanay shaqo ku lahayn, Somaliland-na ma ogala faderaal.".

Ugu danbayntiina Md:Maxamed Biixi Yoonis, waxaa uu si adag uga hadlay hadalo ka soo yeedhay Xasan Sheekh Maxamuud-ka u taliya Koonfurta Somaliya, kaasi oo ku saabsanaa in qaar ka mid ah gobalada Somaliland ay ka tirsan yihiin Somaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in  hadalkaasi yahay hadal uu iska yidhi Xasan Sheekh, isaga tilmaamay in Xasan Sheekh aanu u talinin Somaliland, balse uu shacabkiisa ka dhex odhan karo waxa uu doono.

"Xasan Sheekh waxa uu xaafadihiisa ugu sheekeeyo waxba naga aysan galin, xaqna waa uu u leeyahay oo meelaha waa uu ka odhan karaa, cida uu la hadlayaana waa umaddiisa se anaga Somaliland ayaa nala yidhaahda, dal gaar ah ayaa aynu nahay Xasan Sheekh halkan ma xukumo, madaxweyne ayaa aynu leenahay dawlad ayaa aynu leenahay Baarlamaan ayaa aynu leenahay markas sheekada xamar ka dhacda in aynu isku mashquulino horta maba aha, xamar haday maanta tidhaahdo Hargeysa iyo gobalada waqooyi ayaanu keenaynaa, se Somaliland ka wayn wax go' lagu qaado, Somaliland waxa ka go'an waa gooni isu taageeda, Somaliland waxa ka go'an waa in ay qadiyadeeda ay horumariso."Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.