Madaxweyne Biixi Oo Laalay Xaaladdii Deg-degga Ahayd Ee Uu Ku Soo Rogay Saddexda Degmo, Sababtana Sheegay

0
167

Hargeysa (Geeska)- Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxwayne oo uu soo saaray Salaasadda 25-ka Juun ku sheegay in uu laalay, islamarkaana uu ka noqday  go’aankii uu dhowaan xaaladda deg deg ah ku geliyey degmooyinka Ceel-afwayn, Gar-adag iyo Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si weyn uga horyimi ansaxinta xaalada deg dega ahayd ee Sanaag, taas oo curyaamisay wareegtada Madaxweynaha. Waxaana codayn kala dhinnayd oo golaha wakiillada ka dhacdayna ay muujinaysay in tirada ugu badan ee xildhibaannada Goluhu ay diideen.

Wareegtadan oo uu madaxweyne Biixi ku socodsiiyey shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashandhiga iyo taliyayaasha ciidamada Somaliland, waxa uu ku sheegay in ciidamada Somaliland ay ku guulaysteen soo qabashada dadkii ku lug lahaa dilkii labada sarkaal ee ciidamada ka tirsanaa ee ka dhacay degmada Ceel-Afweyn, Sida oo kalana lagu guulaystay dejinta gacan-ku-qabashada xaaladda nabadgelyo darro ee ka dhacday degmadaas, sidaa awgeed uu go’aansaday in uu joojiyo xukunka degdegga ah.

Isaga oo ballanqaaday in dhamaan dadkii geystay falka dilka labada sarkaal iyo cid kaste oo ku lug lahayd sida ugu dhakhsaha badan loo horkeeni doono sharciga.

Waxa xusid mudan in go’aankan uu madaxweynuhu ka noqday ee xukunka degdegga ah ay hore uga soo horjeesteen xisbiyada mucaaradka ee Somaliland.

Wareegto Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan.

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida

Hargeysa

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Hargeysa

Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka                                           \

Hargeysa

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay:       In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay:       In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen  ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday          Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1)                  In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.